Israa’iil ayaa tan iyo saakay ku kacday dhowr ficil oo ka soo horjeeda heshiiska xabbad-joojinta Qasa, kaddib markii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ay duqeymo la beegsadeen goob ay ku sugnaayeen ciidanka Booliiska marinka Qasa ee hoostaga Xamaas oo ku sugnaa Rafax, halkaa oo ugu yaraan labo askari oo booliis ah lagu dilay, waxaa xigtay inay sidoo kale horraantii maanta ciidanka Israa’iil rasaas ku fureen goobaha ay dadka rayidka ah ku badanyihiin.
Tallaabo kale oo heshiiska jabinaysa ayaa ah markii ay Israa’iil diidday inay gudaha u galaan mar kale guryaha gurgura marinka Qasa iyo sidoo kale gaadiidka birta culus oo ay ku jiraan cagafyada.
Ururka Xamaas, oo warsaxaafadeed ka soo saaray ficillada Israa’iil ayaa u sheegay dhexdhexaadiyayaasha in loo baahanyahay Israa’iil inay dhaqangeliso heshiiska , iyagoo sii deynta maxaabiista ku xiray hadba sida ay Israa’iil ugu hoggaansanaato heshiiska.
Mustaqbalka heshiiska;
Habdhaqanka Israa’iil iyo ikhtiyaarka uu u siiyay Trump inay Israa’iil qaadan karto go’aan kasta oo la xiriira xabbad-joojinta Qasa, ayaa dib usoo celiyay walaaca laga qabo inuu burburo heshiiska , xilli dhex dhexaadiyayaasha Qatar iyo Masar ay sare u qaadeen cadaadiskooda ay ku doonayaan in la billaabo wada-xaajoodka wajiga labaad ee heshiiska , taa oo jirta ayaa telefishinka Al Jazeera wuxuu ku warramay inuu doonayo Trump wax ka beddel lagu sameeyo heshiiska iyo in dhammaan la sii daayo maxaabiista ka hor wajiga labaad ee heshiiska , taa oo ugu yaraan aan laga sugeyn inay Xamaas oggolaato.
Netanyahu, wuxuu maanta kullamo la qaadanaya golihiisa amniga , sida uu ku warramay telefishinka Israa’iil ee Channel 12 , oo warbixintiisa ku sheegay in wadatashiyadaa golaha amniga uu ku raadinayo Netanyahu inuu darso mustaqbalka heshiiska xabbad-joojinta Qasa.
Iyadoo la arkayo xaaladda walaaca leh ee uu wajahayo heshiiska , ayaa waxaa maanta Telaabiib tagay , xoghayaha arrimaha dibadda Marekanka , Marco Rubio oo socdaalkii u horreyay ku maraya bariga dhexe , isagoo sidoo kale booqanaya dalal carbeed.
Ugu dambeyntii, marxaladda lagu jiro ayaa muujinaysa in waqti kasta la arki karo dagaalka oo dib loogu laabtay, xilli Mareykanka uu sare u qaaday bambooyinka iyo hubka uu gaarsiinayo Israa’iil, wax walbana wuxuu Trump u dhiibay Netanyahu inuu go’aan ka gaaro..!
W/T Iman Jamac