Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Guudlaawe oo maanta Daah-furay mashruuc muhiim ah

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo ay wehliyaan Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XJFS Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud iyo Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Hirshabeelle Maxamed Xuseen Ceynte ayaa daah-furay mashruuca dhallinyarada iyo nabadda.

Mashruucu wuxuu dhallinyarada Jowhar ku xoojinayaa doorkooda nabadaynta, xallinta khilaafaadka, iyo maareynta kheyraadka dabiiciga ah sida dhulka iyo biyaha.

Mashruucan ayaa laga fullin doonaa caasimada Dowladda Hirshabeelle ee Jowhar waxana wada fulin doono Dowladda Soomaaliya, Hirshabeelle, FAO iyo IOM.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XJFS Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud ayaa ku ammaanay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle fursad-siinta dhallinyarada iyo sida ay maamulkiisa uga muuqdaan.

“Dhallinyarada waa awoodda Hirshabeelle waxana ay sabab u yihiin halganka, nabadda iyo horumarka.”ayuu yiri Madaxweyne Guudlaawe

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa uga mahadceliyay Wasiir Maxamed Barre u-qareemida dhallinyarada iyo soo gaaristiisa Hirshabeelle.

Related posts

DF oo wada dhismaha dowlad goboleed cusub & Farmaajo oo cadaadis wajahaya

Caydiid Ali

Adeeg bilaash ah oo shacabka loo fidiyey Sanadguurada 2aad ee Madaxweyne Farmaajo (Sawirro)

Caydiid Ali

Dekeda Muqdisho oo markii ugu horeysay shaqo bilowday xili habeen ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---