wajigiisii labaad ayaa laga gaaray guulo taariikhi ah, iyadoo lagu jebiyay argagixisada dagaallo toos ah oo ay isku wajaheen jiidaha hore ee Togga Jeceel ciidamada geesiyaasha ah ee Dowladda Puntland. Argagixisada Daacish ayaa labadii dagaal ee ka dhacay Togga Jeceel looga dilay in kabadan 200 oo xubnood oo ah Ajaanib kusoo duushay dalkeena, horeyna uga soo dagaalamay Bariga dhexe.
Sidoo kale, duqeymo culus oo si is-xigxiga uga dhacay habeeno kahor buuraleyda Cal-miskaad, gaar ahaan Aagga Shebaab ayaa lagu dilay in kabadan 40 xubnood oo katirsan argagixisada, ayna kamid yihiin saraakiil, halka lagu burburiyay gaari saad ah iyo warshadii ugu weynayd ee ay qaraxyada ku sameyn jireen, sida uu inoo xaqiijiyay Taliska Howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland.
Guulaha ciidamada Difaaca Dowladda Puntland, oo garabsanaya shacabka dhiiran ee Puntland ayaa soo dadajisay burbur xooggan oo soo wajahay argagixisada, iyadoo maalmihii u dambeeyay aagag kala duwan laga qabtay xubno firxad ah oo katirsanaa argagixisada, kuwaas oo qaarkood ay qeyb ka ahaayeen dagaaladii u dambeeyay ee ciidamadu ku jebiyeen argagixisada.
Saraakiisha ku sugan furimaha hore ayaa sheegay in maalmo kooban gudahood lasoo afmeeri doono cadowga argagixisada ah ee Daacish.
Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo hoggaan u ah dagaalka ayaa qiray in la gaaray dhammaadka argagixisada kusoo duushay Puntland, ayna si isdabajoog ah u dhadhamin doonaan guul-darro adag, isagoo uga mahadceliyay shacabka Puntland garab istaaga ciidamadooda geesiyaasha ah ee u babac dhigay, jebiyayna argagixiso ay horey dagaalkooda ugu midoobeen Dalal badan, balse Puntland ay iska dhicisay, soona afjari doonto iyadoon haysan garab weyn, kuna kali ah.