Ciidamada maamulka Puntland ayaa dagaal adag kula jira dagaallamayaal katirsan kooxda Daacish, kuwaa oo ku sugan dhulka buuraha gobolka Bari gaar ahaan halka loo yaqaan Calmiskaad.
Dagaalka waxaa guulo waa weyn ka gaaray ciidamada difaaca Puntaland oo dhul badan kala wareegay kooxda Daacish, waxa ay sidoo kale ciidamada dileen xubno badan oo katirsanaa kooxdaasi oo Soomaali iyo ajaaniib isugu jira.
Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa shaaciyay in dhulka kooxda Daacish gacantooda ku haray oo ay ku dagaallami karaan uusan ka badnayn 15KM.
Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir oo ka warbixinayay wakhtiga lagu soo af-jari karo dagaallamayaasha ISIS ayaa sheegay in uu rajeynayo in ciidamada Puntland ay kooxdaasi buuraha kaga saaraan 10 cisho ee soo socda islamarkaana la dhammaystiro guusha laga gaaray dagaalkooda.
Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sidoo kale sheegay in haddii kooxda Daacish laga saaro masaafo dhan 15KM oo ay ciidamada kaga dhuumanayaan aysan jirin meel danbe oo ay ku hakadaan maadaama loo baxayo dhul bannaan oo gaadiidka dagaalku taayir ku dilayo firxadka mileeshiyaadka Daacish.
Wasiir Dirir ayaa tilmaamay in hadda dagaallamayaasha Daacish ku dhaq dhaqaaqi karaan masaafo dhan 40KM oo u badan dhul bannaan marka laga reebo 15KM oo buuro iyo togag ah kuwaasi oo haddii laga saaro aysan meel danbe istaagi doonin.