Boqortooyadda Sacuudiga, ayaa la filayaa dabayaaqada bishan Febraayo inay martigeliso wada-hadallada lagu raadinayo in lagu soo afjaro dagaalka Ukraine , halkaa oo ay sidoo kale isku arkayaan Trump iyo Putin.
Dalal dhowr ah ayaa doonayay inay martigeliyaan wada-xaajoodka nabadda Ukraine , iyagoo ka raadinaya guul diblomaasiyadeed oo taariikhi ah , ka hor Sacuudiga, waxaa isku soo bandhigay inay wada-hadalladan martigeliyaan Switzerland, Singapore, Imaaraadka Carabta,Slovakia iyo Serbia.
Dalalka Yurub, waxay ku waayeen martigelinta , Ruushka uma arko kuwa dhex dhexaad ah,Switzerland iyo Singapore , waxaa ku gaar ah inay cunaqabateyn saareen Ruushka ,halka Slovakia iyo Serbia ay u janjeeraan dhinaca Ruushka oo ay taageerraan. Imaaraadka Carabta ayaa hormuud ka ahaa in maxaabiista la is dhaafsado , walina waxaa loo arkaa dhex dhexaadiye muhiim ah, balse ma gaarin inuu martigeliyo wada-hadalladan.
Sacuudiga , wuxuu leeyahay waayo-aragnimo la taaban karo oo dhexdhexaadin ah, meelaha ay colaaduhu ka jiraan, iyagoo dhex dhexaadiyay dhammaadka dagaalkii sokeeye ee Lubnaan, waxay dhexdhexaadiyeen Itoobiya-Eritrea iyo heshiiska Waqooyiga iyo Koonfurta Yemen ee lagu qabtay Riyadh , sannadkii 2019. Sacuudiga ayaa sidoo kale door ku lahaa dhexdhexaadinta is dhaafsiga maxaabiista tan iyo markii uu bilowday dagaalka Ukraine.
Waxaa jira arrimo kale oo u fududeynaya inuu Sacuudiga martigeliyo wada-xaajoodkan;
•Sacuudiga ma aha xubin ka tirsan Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada, taas oo u oggolaanaysa Putin inuu halkaas u safro.
•Riyadh waxay ka gaabsatay inay dhaleecayso Moscow ama cunaqabatayn saarto, muddada uu socday dagaalka Ukraine.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com