Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaanno iyo Saraakiil caan ah oo tagay furumaha dagaalka (Sawirro)

Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo saraakiil hore oo ciidan , ayaa tagay farumaha hore ee dagaalka lagula jiro kooxda Daacish, si ay u dhiirogaliyaan saraakiisha iyo ciidamada dagaalka kula jira kooxda Daacish.

Xubnaha tagay farumaha hore ee dagaalka gaar ahaan buuraha Calmiskaad waxaa kamid ah Xildhibaan Gen Bashiir Ameeriko oo ka mid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya , Gen. Maxamed Siciid Morgan, Gen. Indho Yare, Gen. Omar, iyo saraakiil kale .

Xildhibaanka iyo saraakiisha la socotay ayaa tagay togga Jaceel ee dhawaan ka dhacay dagaal lagu laayay xubno badan oo katirsanaa Al Shabaab, waxa ayna xubnahan la kulmeen saraakiisha ciidamada Puntland ee hoggaaminaya howlgalka socda.

Saraakiishan ciidan ayaana la wadaagay saraakiisha da’da yar ee howlgalka hoggaamineysa khibtadooda dhinaca dagaalka, waxa uuna ku dhiirogaliyeen geesinnimada ay muujiyeen , waxa ayna uga mahadceliyeen sida ay har iyo habeen u taagan yihiin difaaca dadka iyo deegaannada Puntland.

Howlgalka Puntland kula dagaallameyso Puntland ayaa laga gaaray guulo badan, waxa ayna ciidamada Puntland la wareegeen goobo badan ay horey ugu sugnaayeen kooxda Daacish, waxa ayna Puntland ku hanjabtay in ay soo afjari doonto jiritaanka Daacishta ku sugan buuraha Calmiskaad.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin oon dartiisa u dhintay oo Qoyskiisa magdhaw ahaan loo siinayo Malaayiin Dollar !

Cabdi Cade

Soomaaligii 3aad oo 24 saac gudahood lagu dilay Magaalada Cape Town

Caydiid Ali

Puntland oo War kasoo saartay Tacadiyada lagu hayo Shacabka Laascaanood

Cabdi Cade
Taboola Ads ---