Allbanaadir.com
NEWS

Maxay ka dhigan tahay Guusha Doorashada Max’uud Cali Yuusuf?

Doorashada Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa maanta qabsoontay, taasoo si weyn muddooyinkii dambe indhaha loogu hayey, waxaana  ku guulaystay Maxamuud Cali Yuusuf oo ahaa wasiirkii arrimaha dibadda ee Jabuuti, kaddib tartankan ay wada galeen Raile Odina oo Kenya ka socday iyo Richard Randriamandrato oo Madagascar ka socday.

Wareeggii koowaad waxaa hoggaanka qabtay Raila, oo lagala wareegay wareegggii labaad ee tartankaas.

Wareegggii saddexaad ee tartanka waxaa ka haray musharraxii ka socday Madagascar. Halka Railla oo haystay 22 cod iyo Maxamed oo helay 26 uu wareeggii lixaad ee tartankaas uu ka haray Raila Odinga. Taasoo sahashay in wareeggii u dambeeyey uu keligii u tartamay musharrax Maxamed Cali Yusuf, isagoo ku guulaystay 33 cod.

Waa doorashadii lixaad ee uu ku guul-darraysanayo Ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya, Raila Odinga oo horey  shan jeer ugu guul-darraystay tartankii uu u galay xilka madaxweynaha Kenya.

Xaggee ka timid guul-darrada Raila Odinga?

Ololaha ay xilkan ku raadinaysay Kenya, ayaa soo muujiyay sida ay Kenya guul diblomaasiyadeed u raadinayso, balse waxaa dhacay waji-gabax iyo xaalad aan horey loo xisaabin oo guul-darro dusha u saartay musharrixii Kenya, taasoo u sheegaysa Kenya inay u baahan tahay inay wax ka barato diblomaasiyadda Afrika.

Boqollaal siyaasiyiin u badan xildhibaannada Kenya ayaa labadii maalin ee u dambeeyay, buuxiyay hoteellada Addis Ababa, tan oo jahwareer ku riday ololihii ka socday Addis Ababa, xaaladan waxay u muujisay xubnaha aan  go’aan qaadan inay u arkaan Kenya inay raadinayso hami siyaasadeed oo gudaha ah, ama guul gaar ah, taasoo ka hor imaanaysa ujeeddada doorashada ah oo lagu soo saaro hoggaamiye xambaari kara ajandaha guud ee Afrika.

Khalalaadka diblomaasiyadeed ee Kenya, intaa kuma istaagin oo ololaha ay wadeen wuxuu isku rogay mid sawaxan sita oo la arki karo , tan oo aan laga jecleyn Afrika, taa beddelkeeda ololihii ka socday hoteellada Addis Ababa ku yaalla ee  Sheraton iyo  Hyatt Regency waxay ahaayeen kuwa aamusan, isla waqtigaa Kenyanka waxay buuxiyeen dhismaha xarunta Midowga Afrika, laakin dhismaha ma aha goob olole ee waa meel kaliya dhoola-caddeyn lagu wadaago!

Hoggaamiyayaasha qaarada ayaa laga yaabaa inay sidoo kale u fasirtaan joogitaanka siyaasadeed ee Kenya mid awood qabsi ah, gaar ahaan marka la eego taariikhda dhow ee Kenya ee tartanka jagooyinka qaaradda, tan oo la macno ah inay Kenya u soo rartay xarunta Midowga Afrika, siyaasaddii gudaha Kenya!

Kenya, sidoo kale ma aysan akhrin natiijada ka soo baxday doorashada guddoomiyayaasha Midowga Afrika; Arbacadii, intii lagu guda jiray doorashada guddoomiyeyaasha Midowga Afrika, dalka Koonfur Afrika, wuxuu xaqiijiyay guul la taaban karo oo uu helay  41 cod murashaxooda, Lerato Mataboge, oo loo doortay guddoomiyaha Kaabayaasha iyo Tamarta ee Midowga Afrika. Dhanka kale, Diblomaasi rug-cadaaga ah ee Nigeria, Bankole Adeoye ayaa sii xajistay Kursiga Awoodda leh ee Arrimaha Siyaasadda, Nabadda, iyo Amniga , markii uu si aqlibayad leh ugu guuleystay wareeggii koowaad.

Ghana waxay heshay 45 cod  markii haweenayda khibrada diblomaasiyadeed leh ee , Amma A. Twum-Amoah, loo doortay guddoomiyaha Midowga Afrika ee Caafimaadka, Arrimaha Bani’aadamnimada, iyo Horumarinta Bulshada.

Kuraastan dalalka ku guuleystay waa kuwa inta badan ka soo horjeeday musharraxa Kenya.

Laakin, nasiib darrada ugu weyn halka ay uga timid Raila Odinga, waa colaadda dalka DR Congo, sababtoo ah cododka go’aamiyay doorashada ee guusha uu ku gaaray musharraxa Jabuuti, waxay ka yimaadeen waddamada 16-ka ah ee ku bahoobay dallada horumarinta bulshada Koonfurta Afrika ee loo soo gaabiyo SADC, kuwaasoo inta badan Kenya ku eedeeyay inay faragelin ku heyso colaadda DR Congo, iyadoo la dhinac ah Rwanda oo taageerta fallaagada M23.

Xaaladan, waxay siisay guul muhiim ah musharrixii ka socda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf oo waxyar ka hor si rasmi loogu dhaariyay jagada guddoomiyaha Midowga Afrika.

Habka ololaha Jabuuti, wuxuu ahaa mid waxtar ah oo qarsoon, iyagoo ka faa’iideystay sida inta badan dalalka Afrika aysan khatar ugu arag hoggaaminta Midowga Afrika ee Jabuuti, ururrada ay ku jirto Jabuuti oo kan Jaamacadda Carabta ugu saameyn badan yahay, halka waqtigii u dambeeyay Jabuuti taageerro ka heshay quwadaha qaaradda oo ay ku jiraan; Koonfur Afrika, Masar, iyo Nigeria.

Maxay ka dhigantahay guusha Jabuuti ?

Ku guuleysiga Jabuuti ee jagada guddoomiyaha Midowga Afrika , wuxuu xaqiijinaya inay dalalka Afrika ka hortagayaan inuu kursigan door ku yeesho khalalaasaha ka jira qaaradda.

Dalalka guushan muhiimada ay u leedahay waxaa ka mid ah Soomaaliya, oo si cad u taageertay Jabuuti, illaa xataa Soomaaliya ay tartanka ka saartay musharrixii uga qeybgali lahaa doorashadan, si looga hortago inay saameyn ku yeelato cododka ay Jabuuti ka helayso doorashada gaar ahaanna cododka ka imaanaya dalalka ku jira Jaamacadda  Carabta iyo kuwa kale ee qaaradda. Ugu yaraan Soomaaliya waxay natiijo u aragtaa in meesha laga saaray musharraxa Kenya iyo sida aysan walaac uga qabi doonin khatar uga imaan karta golaha fulinta Midowga Afrika.

Ugu dambeyntii, golaha fulinta Afrika wuxuu noqday goob ay hoggaamiyaan Jaamacadda Carabta, kaddib markii guddoomiye ku-xigeenka Midowga Afrika loo doortay haweenayda Selma Haddadi, oo u dhalatay Aljeeriya, oo ah safiirka Aljeeriya u fadhiya Itoobiya.

 

Related posts

Xogta kulanka Aadan Madoobe & Gudomiyeyaashii hore ee Golaha Shacabka (Sawirro)

Caydiid Ali

Soomaaliya ma ka mid tahay dalalka aan looga baahneyn Viisaha Kenya (Ogow Xaqiiqda)

Cabdi Cade

Dayuuradda 737 MAX oo ku dhowaad 2 sano ka dib sameysay duulimaadkii ugu horeeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---