Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Gudoomiyaha cusub ee Midowga Afrika oo maanta loo doortay Maxamuud Cali Yuusuf Wasiirkii Arrimaha Dibada ee Jabuuti.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub inuu wax badan ka qabto arrimaha muhiimka ah ee horyaala, asagoo sidoo kale bogaadiyay Guddoomiyihii hore Muuse Faki Maxamed.
Maxamuud Cali Yuusuf oo ah Wasiirka arrimaha dibeda ee Jabuuti ayaa ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, kaddib doorasho adag oo goordhow ku soo gabagabowday Xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa.
Ilaa 33 cod ee looga baahnaa ayuu xaqiijiyay wareeggii todobaad, kaddib markii uu ka adkaatay Raila Odinga oo ku haray wareeggii 6aad kaasoo ahaa musharax ugu adag ee la tarmtamay.
Xilka Guddoomiyenimada waxaa u sharraxnaa Maxamuud Cali Yuusuf oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti, Raila Amolo Odinga oo ah ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya, iyo Richard Randriamandrato oo ah wasiirkii arrimaha dibadda ee Madagascar.
Maxamuud Cali Yuusuf wuxuu baddalayaa Moussa Faki Mahamat oo u dhashay Chad.