Allbanaadir.com
NEWS

DEG DEG: Max’uud Cali Yusuf oo loo doortay Gudoomiyaha Midowga Afrika

Maxamuud Cali Yuusuf oo ah Wasiirka arrimaha dibeda ee Jabuuti ayaa ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, kaddib doorasho adag oo goordhow ku soo gabagabowday Xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa.

Ilaa 33 cod ee looga baahnaa ayuu xaqiijiyay wareeggii todobaad, kaddib markii uu ka adkaatay Raila Odinga oo ku haray wareeggii 6aad kaasoo ahaa musharax ugu adag ee la tarmtamay.

Xilka Guddoomiyenimada waxaa u sharraxnaa Maxamuud Cali Yuusuf oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti, Raila Amolo Odinga oo ah ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya, iyo Richard Randriamandrato oo ah wasiirkii arrimaha dibadda ee Madagascar.

Maxamuud Cali Yuusuf wuxuu baddalayaa Moussa Faki Mahamat oo u dhashay Chad. Laakinse ma aha dalalka qaaradda oo dhan kuwo codaynaya ee waxaa jira dalal aan ka qayb galin  codaynta.

Dalalkaas oo ah lix dal waxay kala yihiin Niger, Mali, Guinea, Gabon, Burkina Faso iyo Sudan, waxaana dalalkaas looga joojiyey inay codeeyaan sababo la xiriira afgambi iyo dagaallo sokeeye.

Doorashadii dhacday labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa Eswatini waxa ay ku guulaysatay xafiiska beeraha, horumarinta reer miyiga, dhaqaalaha buluugga, iyo deegaanka ayadoo ka guulaysatay Congo-Brazzaville.

Koofur Afrika waxay iyadana ku guulaysatay 41 cod, ayada oo qabanaysa xafiiska tamarta iyo kaabayaasha.

Bankole Adeoye oo u dhashay Nigeria ayaa isna dib u hantay jagadiisa saamaynta badan leh ee arrimaha siyaasadda, nabadda iyo amaanka, isagoo wareeggii ugu horreeyey helay aqlabiyad 3 meelood oo laba ah, kana guulaystay Jean Jacques Demafouth oo ka socday Jamhuuriyadda Afrikada dhexe.

Morocco waxay iyadana xannibtay Algeria oo doonaysay inay la wareegto koontaroolka golaha nabadda iyo amaanka ee Afrika. Algeria waxay heshay 30 cod, halka Morocco ay heshay 15 cod, waxaana sidaa lagu waayey tiradii loo baahnaa.

Madaxweynaha Angola Joao Lourenco ayaa isna la filayaa inuu xilka kala wareego madaxweynaha Mauritania Mohamed Ould Ghazouani, isagoo haynaya guddoomiyenimada wareegtada ah oo sannad-sannad ay u qabtaan madaxda qaaradda.

Related posts

Ciyaaryahan Afrikan ah oo Deeq waxbarasho siinaya 100- arday oo Danyar ah

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Rooble oo goor dhow gaaray xerada Ciidamada Bali-doogle

Caydiid Ali

Khadkii Telefoonka ee dalalka Eritrea Itoobiya oo go’ay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---