Taliyaha ciidamada difaaca Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, ayaa qoraal uu barta X ku daabacay Sabtida maanta ah ku sheegay in uu weerari doono magaalada Bunia ee bariga Congo, haddii aysan “dhammaan ciidamada” halkaasi ku sugan hubkooda kusoo dhiibin 24 saac gudahood.
Kainerugaba, oo lagu yaqaan hadallo kiciya xasarado siyaasadeed, ayaa sheegay in uu fasax ka helay aabihiis madaxweyne Yoweri Museveni. Afhayeen u hadlay ciidamada Uganda ayaa sheegay in uusan ka hadli karin arrintan.
Saacadihii hore ee maanta oo Sabti ah, Kainerugaba waxa uu sheegay, isagoo aan wax caddeyn ah bixin, in dadka ka soo jeeda qowmiyadda Bahima la dilayo.
“Dadkeyga, Bahima, waa la weeraray. Taasi waa xaalad aad halis ugu ah kuwa dadkeyga weeraraya. Ma jiro qof dhulkan jooga oo dadkeyga dili kara oo hadda u haysta in uusan ka shallaayi doonin,” ayuu yiri.
“Bunia waxa ay dhowaan soo geli doontaa gacanta UPDF,” ayuu ku yiri qoraal kale.
Hanjabaadda ka soo yeertay sarkaalka ugu sarreeya millatariga Uganda oo dad badan rumeysan yihiin in uu yahay ninka aabihiis baddalaya, ayaa xoojineysa cabsida laga qabo in isku dhaca dhexmaraya ciidamada Congo iyo fallaagada M23 ee Rwanda ay taageerto in uu isku bedelo dagaal ballaaran oo heer gobol ah.
Jimcihii, hoggaamiyaha M23 ayaa sheegay in fallaagada ay galeen Bukavu, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, ka dib markii ay dhammaadkii bishii hore qabsadeen Goma, oo ah magaalada ugu weyn bariga.
Wasiirka Isgaarsiinta Kongo Patrick Muyaya iyo afhayeenka ciidamada Kongo ayaan ka jawaabin codsiyo ku aadan in ay ka hadlaan hadalkan ka soo yeeray Kainerugaba.
Kainerugaba ayaa si joogta ah ugu qora baraha bulshada qoraallo kicin ah, oo ay ku jirto hanjabaad 2022-kii uu ku sheegay in uu ku duulayo dalka deriska ah ee Kenya.
Bishii hore ayuu sheegay in uu doonayo in uu qoorta ka gooyo hoggaamiyaha mucaaradka ugu caansan Uganda Bobi Wine. Markii dambe ayuu hanjabaaddaasi ka cudur daartay.