Xamaas ayaa Sabtida maanta ah saddex la haystayaal Israa’iiliyiin ah sii deysay waxayna ku wareejisay Laanqeyrta Cas.
Sagui Dekel Chen oo u dhashay Israa’iil oo 36 jir ah, deggan Kibbutz Nir Oz oo ku taal koonfurta Israa’iil, ayaa lagu soo warramayaa in la qabtay markii uu ka horyimid dagaalyahannada Xamaas intii uu socday weerarkoodii argagixiso ee ay ku qaadeen koonfurta Israa’iil 7-dii October, sanadkii 2023-kii. Laba bilood ka dib markii la qabtay, xaaskiisa, Avital, waxa ay dhashay gabadhooda saddexaad.
Sidoo kale waxaa la sii daayay Sasha Troufanov oo ah nin Russian Israeli ah , oo 29 jir ah, oo sidoo kale ka yimid Kibbutz Nir Oz. Waxaa lagu qabtay weerarka Xamaas, isaga iyo hooyadiis, Yelena, ayeeyadii Irina Tati iyo saaxiibtii Sapir Cohen.
Dhammaan saddexda haweenka ah ayaa lagu sii daayay heshiis xabbad joojin ahaa bil ka dib. Aabihii, Vitaly, ayaa lagu dilay weerarka. Qoyskan ayaa 25 sano ka hor u haajiray Israa’iil oo ka tagay Ruushka.
La haystaha saddexaad ee la sii daayay ayaa lagu sheegay in uu yahay nin u dhashay Israa’iil iyo Argentina Iair Horn, 46 jir ah, sidoo kalena ka soo jeeda Kibbutz Nir Oz. Waxaa lagu afduubay weerarka Xamaas, isaga iyo walaalkii Eitan, kaasi oo aan qayb ka ahayn heshiiska is-dhaafsiga ee hadda socda.
Wax yar ka dib, bas ay saarnaayeen maxaabiis Falastiiniyiin ah ayaa ka tagay xabsiga Ofer ee ay Israa’iil maamusho, waxaana soo dhoweeyay dad aad u faraxsan oo ku sugnaa magaalada Ramallah ee dhula la haysto ee Daanta Galbeed, sida uu soo wariyay wariye ka tirsan AFP.
Basas badan oo ay ka buuxaan maxaabiis ayaa ka soo dhaqaaqay xabsiga Israa’iil ee ku yaalla saxaraha Negev, kuna sii jeeday Gaza, sida uu sheegay wariye kale oo AFP ka tirsan.
Wariyaha ayaa arkay dagaalyahannada Xamaas oo wejiyada duubtay kuwaasi oo la-haystayaasha ku soo bandhigayay masrax ku yaalla magaalada Khan Yuunis ee koonfurta Gaza, halkaasi oo loo sheegay in ay dadka la hadlaan ka hor inta aan lagu wareejin Laanqeyrta Cas.
Saddexda nin ee la sii daayay oo ay garab taagnaayeen rag ka tirsan Xamaas ayaa ku baaqay in la dhameystiro sii deeynta la-haystayaasha haray iyadoo la siiyay shahaadooyin muujinaya dhammaadka afduubkooda.
Isweydaarsigan oo ah kii lixaad tan iyo markii xabbad joojinta la dhaqan geliyay 19-kii Jannaayo, ayaa yimid ka dib markii laga baqay in heshiiska u dhaxeeya Israel iyo Xamaas uu burburo.
Kooxda Falastiiniyiinta ah ayaa horey ugu hanjabay inay joojin doonto sii deynta la-haystayaasha, iyadoo Israa’iil ku eedeysay in ay ku xad-gudubtay heshiiska halka Israa’iil ay ku hanjabtay in ay dagaalka dib u bilaabi doonto haddii ay taasi dhacdo,.
Laakiin Jimcihii labada dhinacba waxa ay muujiyeen in isdhaafsiga uu u socon doono sidii markii hore loo qorsheeyay.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA