Allbanaadir.com
NEWS

Sheekh Aadan Madoobe oo arrimo muhiim ah kala hadlay Ketema Haile Minuta

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Kusimaha Safiirka Safaaradda Itoobiya ee Soomaaliya Ketema Haile Minuta .

Sheekh Aadan Madoobe iyo safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada wadan gaar ahaan Baarlamaanada labada dal, Waxaana Kusimaha Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya uu sheegay inuu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada Wadan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa kusimaha safiirka Itoobiya ee Soomaaliya uga mahadceliyay sida uu uga shaqeeyo xoojinta xiriirka Baarlamaanada labada dal.

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo Cadeeyay sababta ay Al Shabaab weerarada uga geestaan Muqdisho

Cabdi Cade

Antonio Guterres: “Ma ogolaan karno in waxa Gaza ka socda ay sii socdaan”

Caydiid Ali

DEG DEG: Xildhibaan Aamino Max’ed Cabdi oo ku geeriyootay qaraxii ka dhacay Baladweyne

Caydiid Ali
Taboola Ads ---