Allbanaadir.com
NEWS

Sargaal katirsanaa Al Shabaab oo nolosha lagu qabtay iyo ilaaladiisa oo…

Ciidamada maamulka Jubbaland howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen deegaan dhaca duleedka magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ayey ku dileen xubno katirsanaa kooxda Al Shabaab , oo la sheegay in dadka deegaanka dhibaato ku hayeen.

Saraakiisha ciidamada Jubbaland , ayaa sheegay in howlgalkan ay ciidamada ku dileen afar xubnood oo katirsanaa Al Shabaab, waxa ayna xuseen howlgalka in uu ka dhacay deegaanka Lafo-gari oo kuyaalla duleedka Dhoobley.

Howlgalka ay fuliyeen ciidamada Jubbland ayaa sidoo kale lagu soo qabtay nin ay sheegeen laamaha amniga Jubbaland in uu ahaa sargaal katirsan Al Shabaab una qaabilsanaa maxkamadda deegaanka Lafo-gari, waxaana sargaalkan magaciisa lagu sheegay Macallin Maxamed.

Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa mararka qaar fuliya howlgalo qorsheysan oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab , kuwaa oo marar badan ciidamada ku dileen xubno katirsanaa Al Shabaab , sidoo kale kusoo qab qabteen kuwa kale oo nool.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Col. Caare oo ciidamadiisii & hubkooda ku wareejiyey Maamulka Somaliland (Sawirro)

Caydiid Ali

Caro ka dhalatay Dhaqtarad u geeriyootay Carona oo la diiday in lagu aaso Qabuuro !!

Cabdi Cade

Maxaa ka dhacay Magaalada Muqdisho, 14 sano ka hor maanta oo kale, 15kii January?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---