Wararka ka imaanaya gobolka Bari ee Puntland , ayaa sheegaya in halkaasi ka socdaan baadigoobka xubno la tuhusan yahay in ay katirsanaayeen kooxda Daacish, kuwaa oo ka firxaday buurihii ay ku jireen kaddib duqeymo iyo dagaal toos ah oo lagu qaaday.
Deegaannada iyo degmooyinka ku xeyran buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, ayaa la geeyay ciidamo badan si ay u qabtaan firxadka kooxda Daacish ee kasoo baxaya buuraha, kuwaa oo doonaya in si dhuumaaleysi ah ku galaab deegaanno ka baxsan buuraha Calmiskaad.
Ciidamada amniga Puntland oo gacan ka helayay dadka shacabka ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay gacanta ku dhigay rag lagu tuhmayo in ay ktirsan yihiin kooxda Daacish, kuwaa oo kasoo baxay dhulka buuraha ee ka socdaan howlgallada.
Si aan xogta ku helnay ciidamada ammaanka Puntland dadka ay qab qabteen waxaa ku jira kuwa ajaaniib ah oo la tuhmayo in ay kamid ahaayeen Daacish, waxa ayna ciidamada dadkaasi ku wadaan baaritaanno dheeraad ah oo ku aadan tuhunka galay.
Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari , ayaa sidoo kale waxaa ka socda howlgallo balaaran oo lagu baadigoobayo xubno la tuhmayo in ay katirsan yihiin kooxda Daacish, waxaana ciidamada taageero ka helayaan shacabka oo la wadaagaya xogta dadka ay ka shakiyaan.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com