Allbanaadir.com
NEWS

Netanyahu oo qalqaalo ugu jira in weerar lagu qaado xarumaha Nukliyeerka Iran

Wargeyska Washington Post, ayaa ku warramay inuu Netanyahu ku riixayo madaxweynaha Mareykanka,Donald Trump inuu taageerro weerar militari oo lagu qaado xarumaha Nukliyeerka ee Iran.

Israa’iil waxay Iran u aragtaa mid nugul, kaddib duullaanka Qasa, Lubnaan iyo isbeddelka ka dhacay Suuriya , oo ay weheliso weerarkii bishii Oktoobar, 2024 ay Israa’iil ku qaaday gudaha Iran, markaa oo ay sheegatay inay burburisay nidaamka difaaca ee Iran.

Warbixinta, waxaa lagu sheegay in xubnaha sare ee Israa’iil ay aaminsanyihi in haddii aan sidii Liibiya oo kale la burburin barnaamijkeeda Nukliyeerka, inay Iran la soo bixi doonto awood aan la joojin karin.

Maraykanka ayaa horey ugu wareejiyay Israa’iil bambooyin dhumuc weyn, markii Trump uu xilka la wareegay, kuwaasoo awood u leh in lagu beegsado goobaha Nukliyeerka dhulka hoostiisa ee Iran, sida warbixintu ay sheegtay, iyadoo intaa lagu daray sirdoonka Mareykanka inay saadaaliyeen in Israa’iil ay duqayn doonto lix bilood gudahood xarumaha nukliyeerka Iran, haddii aan heshiis la gaarin.

Toddobaadkii hore, saraakiisha ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran ayaa markii u horreysay usoo jeediyay hoggaamiyaha sare, Ali Khamenei inuu dib u tirtiro fatwadii uu soo saaray sannadkii 2005, ee uu ku mamuuucay heysashada bambooyinka nukliyeerka Iran, markaa oo ay saraakiisha u sheegeen Khamenei, haddii uusan tan sameyn in maamulkiisa la cirib-tiri doono, sabab la xiriirta hanjabaada Israa’iil iyo Mareykanka.

Mowqifka saraakiisha Ilaalada Kacaan Iran, ma cadda inuu ku filan yahay inay ku xaqiijinayaan awoodda ay u leeyihiin inay bannaanka usoo saaraan bambooyinka nukliyeerka.

W/T Iman Jamac

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Qoorqoor oo arrimo xasaasi ah kala hadlay siyaasiyiinta beesha Habar gidir

Caydiid Ali

Maamulka Somaliland oo go’aano culus maanta soo saaray (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Wasaaradda Caafimaadka oo Daah-furtay Mashruuc cusub oo UK maalgalineyso (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---