Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo kulan Muhiim ah la qaatay Abiy Axmed (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galaya Meeratada 38-aad ee Shir-madaxeedka Midowga Afrika ayaa kulan-doceed la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya, Mudane Abiy Ahmed.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay xasilloonida Gobolka iyo mideynta dadaallada lagu cirib-tirayo argagixisada, waxa uuna sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xaqiijinta iskaashiga heer gobol ee ku aaddan nabadda, daris-wanaagga iyo adkaynta xasilloonida.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Labada dal, iyadoo la dhiirri-gelinayo iskaashiga horumarineed ee ku salaysan daris-wanaagga iyo is-ixtiraamka, si waafaqsan danaha wadajirka ah ee labada dal, madaxbannaanida iyo midnimada dal kasta.

 

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

RW ku-xigeenka oo la kulmay Niyaz Acar & wafdi uu horkacayo (Sawirro)

Caydiid Ali

Madasha Xisbiyada Qaran oo War ka soo saartay go’aanadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Diyaarad ay la socdaan Ra’isul Wasaarayaal hore oo goordhaw kasoo degtay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---