Allbanaadir.com
NEWS

Villa Soomaaliya oo war kasoo saartay safarka Madaxweynaha ku tagay Itoobiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaaray magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya, halkan oo uu kaga qeyb galayo Shir-madaxeedka 38-aad ee Midowga Afrika oo lagaga arrinsanayo mustaqbalka iyo danaha guud ee qaaradda.

Madaxda Afrika ayaa u ballansan doorashada hoggaanka cusub ee Midowga Afrika iyo ku-xigeennadiisa, xoojinta nabadda, midnimada iyo madaxbannaanida dalalka qaaradda iyo ajendayaal kale oo laf-dhabar u ah jihaynta Midowga Afrika, sanadaha soo socda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Adis Ababa, waxa uu kulan-doceedyo la yeelan doonaa Madaxda ka soo qeyb galaya shirka, si loo xoojiyo xiriirka dalkeennu la leeyahay dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika.

Waftiga Madaxweynaha ee ku wehelinayey safarkan shaqo ayaa waxaa ka mid ah, Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Arrimaha Dibadda Mudane Axmed Macallin Fiqi, Gaashaandhigga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Agaasimaha Madaxtooyada Cabdixakiim Maxamed Yuusuf.

Related posts

Xirsi Xaaji Xassan oo shaaciyay in uu ka badbaaday Shirqool lagu dili lahaa

Cabdi Cade

Xamaas iyo Israa’iil oo Saakay maxaabiis hor leh is dhaafsaday iyo soo dhaweyn loo sameeyay

Cabdi Cade

Melania Trump oo booqasho ku joogta Magaalada Nairobi (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---