Allbanaadir.com
NEWS

Somalia oo Shir muhiim ah ka qeyb gashay Addis ababa (Sawirro)

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Ali Haji Adam ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka EThiopia kaga qayb galay Madasha Sanadlaha ee Wasiirada Caafimaadka Afrika, oo qayb ka ah Shir Madaxeedka Afrika.

Wasiirku wuxuu ka mid yahay in ka badan 30 wasiir caafimaad oo ka qayb galaya barnaamijkan.

Madashan oo ah mid sanadle ah waxay u oggolaanaysaa Wasiirada Caafimaadka dalalka Afrika inay isugu yimaadaan si ay diiradda u saaraan horumarinta Caafimaadka qaaradda, sanadkan xoogga waxaa la saaray adkaynta nidaamka caafimaadka iyadoo laga faa’ideysanayo balanqaadyada siyaasadeed, Wasiirka ayaa muujiyay muhiimada ay hoggaaminta Caafimaadka u leedahay bulshada Afrika.

Intii lagu guda jiray kulanka, wasiirka ayaa Kulamo doceed la qaatay qaar ka mid ah Wasiirada Caafimaadka Afrika ee ka qayb galay madasha iyo madaxda Hay’adda Africa CDC, oo kulankan sanadlaha ah qabanaya.

Caafimaadka Soomaaliya ayaa si macno leh uga muuqda madalaha Caafimaad ee caalamka, iyadoo wasiirku xoogga saaray horumarinta ajandayaasha caafimaadka ee Soomaaliya, iyadoo la kaashanayo saaxiibada caafimaadka.

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxaya safar kale oo dibeda ah

Caydiid Ali

Yaa ka dambeeyey dilka Aamina Xuseen Xasan?

Caydiid Ali

Booliska Turkiga oo xabsiga dhgay Ahmed al-Astal & sababta ka dambeysa (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---