Allbanaadir.com
NEWS

Taliska Booliska DF oo kulan xasaasi ah iskugu yimid (Sawirro)

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa caawa sheegay in ay u diyaar garobeen doorashooyinka qof iyo codka ah ee dhawaan wadanka ka qabsoomaya.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xalay shir guddoomiyey kulanka todobaadlaha ah ee Hoggaanada, qeybaha iyo Fadhiyada Madaxa banaan ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa looga hadlay xoojinta amaanka guud ee dalka iyo ka hortagga falalka amniga lidka ku ah ee la gaysato maadama Ciidamadu u diyaarsan yihiin in doorka uga aaddan ka qaataan Doorashooyinka Qof iyo Cod ee dalka ka qabsoomaya dhawaan.

Taliyaha ayaa sidoo kale Saraakiisha faray inay ka feejignaadaan Ciidamadu al shabaab, waxaana uu shacabka ka codsaday in laamaha ammaanka ku wergeliyaan meel kasta oo ay joogaan cidda ay ka shakiyaan si markabiiba looga howlgalo.

Related posts

Maxay degmada Balcad ku soo arkeen Wasiiro ka tirsan DFS oo booqday? (Sawiro+Video)

Caydiid Ali

IBS Bank oo loo aqoonsaday Bangiga ugu fiican Soomaaliya (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Sidee u dhacay Wadahadalka dhexmaray Raisul Wasaare Abiy Ahmed iyo Madaxweyne Biixi

Caydiid Ali
Taboola Ads ---