Dawladda Soomaaliya ayaa heshiis difaac la saxiixatay Arbacadii shalay, dalka Asarbaijan, kaddib booqashadii u horreysay rasmi ah oo madaxweyne Soomaaliya ka socda uu ku tago Baku. Tan iyo bilowgii sannadkii hore ku dhawaad dhammaan dalalka uu booqday madaxweynaha Soomaaliya, oo laga xusi karo ; Turkiga , Masar , Imaaraadka Carabta iyo dalal kale oo ay ku jirto Itoobiya wuxuu la gaaray heshiisyo difaac iyo mid iskaashi ah oo aysan waligeed sharraxin madaxtooyadda Soomaaliya.
Asarbayjaan , waa dal aan lahayn bad oo isaga gudba labo qaaradood galbeedka Aasiya iyo Yurubta Bari. Waa qayb ka mid ah gobolka Koonfurta Caucasus, waxaana bari ka xiga badda Caspian, waqooyiga jamhuuriyadda Dagestan ee Ruushka, Georgia oo dhanka waqooyi-galbeed ka xigta, Armenia iyo Turkiga oo galbeed ka jira iyo Iran oo koonfur ay xad wadaagaan. Baku waa caasimadda iyo magaalada ugu weyn. Booska uu ku yaalla dalkan ayaa ka dhigtay mid istaraatiji ah , taasoo u soo jiiday inuu iskaashi la yeesho dalal dhowr ah, balse waa dal dabool difaac ka hela Turkiga oo xubin ka ah NATO, waxaana saameyn ku leh dalalka galbeedka iyo xulafadooda. Ruushka oo xiriir aan xoogganayn uu ka dhexeeyay, hadda wuxuu u muuqdaa inuu xiriirkaa burburay, halka Iran ay tahay dal la leh xiriir , balse ma aha mid qoto-dheer!
Waxay u muuqataa Asarbayjaan, inay soo raadisay xiriirka Soomaaliya, marka la isku dayo in la sharraxo; Baku, waxay doonaysaa inay ka faa’iideysato saameynta Turkiga ku leeyahay Soomaaliya, gaar ahaan waxaa suragal inuu soo jiitay heshiiskii u dambeeyay ee Soomaaliya ay la gashay Turkiga oo xoogga saaray arrimaha badda, sabab la xiriirta Asarbayjaan, waxay doonaysaa inay dhinaceeda ka faa’iideysato khayraadka iyo marin badeedka Soomaaliya ee sida aan xadka lahayn loogu wareejiyay Turkiga.
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa heshiiska difaac ee labada dal ku tilmaantay “heshiis muhiim ah oo ku saabsan iskaashiga dhanka difaaca iyo gaashaandhigga,” iyadoo xoogga lagu saarayo sidii loo kobcin lahaa awoodda ciidamada Soomaaliya.
“Tani waxay dhabaha u xaaraysaa in la xoojiyo taageerada farsamo iyo aqoon-wadaaga milateri si loo xoojiyo awoodda difaaca Soomaaliya,” ayay wasaaraddu ku sheegtay war-saxaafadeedka lagu baahiyay barta X.
Saxiixa ayaa daba socday wadahadallo dhexmaray horraantii shalay; Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Asarbayjaan, Ilham Aliyev. Wadahadalkooda ayaa diiradda lagu saaray arrimo badan oo istaraatiiji ah, oo ay ku jiraan xiriirka labada dal, iskaashiga tamarta iyo iskaashiga difaaca.Marka laga soo tago heshiiska difaaca, Wasiirka Arrimaha Dibadda Asarbayjaan,Jeyhun Bayramov iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka waxbarashada ah.
Labada dal ma wadaagaan safaaraddo, wax walbana hadda ayay bilow u yihiin!
Joogitaanka Asarbayjaan ee gobolka;
Asarbayjaan, waxay xiriir diblomaasiyadeed iyo difaac oo qoto-dheer la leedahay dalka Itoobiya ee ay dariska yihiin Soomaaliya — xiriirka Addis Ababa iyo Baku, waxaa lagu gaaray inay Itoobiya hesho tiknoolajiyad sirdoonka oo casri ah, markii u dambeysay dabayaaqadii sannadkii hore , labada dal ayaa gaaray heshiis iskaashi oo la xiriira sirdoonka macmalka ah, wuxuu heshiiska daba socday , inay horey sirdoonka Itoobiya tababaro sare iyo tiknoolajiyada sirdoonka ku soo qaateen Asarbayjaan. Tana waxay ka dhigtay Itoobiya dalka ku yaalla gobolka ee xiriirka ugu sarreeya u ka dhaxeeyo Asarbayjaan.
Iskaashiga Itoobiya iyo Asarbayjaan, waxaa fududeeyay Turkiga iyo Israa’iil, oo labaduba joogitaan ku leh Asarbayjaan, waxaana loo arkaa Baku, goob istaraatiji ah oo ay joogitaan ku leeyihiin sirdoonka Israa’iil, sidoo kale waxaa ka dhaxeeya Iskaashiga istaraatiji ah oo dhinacyada difaaca iyo ganacsiga.
Soomaaliya, ma ka faa’iideysan karta iskaashiga Asarbayjaan?
Soomaaliya waxay inta badan dalalka dunidda ee xiriirka la leh ay la gashay heshiisyo iskaashi iyo difaac, tiradaa badan ee heshiisyada waxay qof walba ka dhigayaan mid aan cabbiri karin, sida ay Soomaaliya uga faa’iideysan karto heshiisyada difaac, si taa la mid ah — ma cadda sida ay Soomaaliya uga faa’iideysanayso iskaashiga Asarbayjaan,oo la macno ah in iskaashigan laga fisho isbeddel — marka la tixraaco Turkiga oo ka tirsan NATO , wax ka badan toban sanno ma awoodin inuu wax ka beddelo awoodda difaac iyo sirdoon ee Soomaaliya, wax walbana si gaabis ah ayay u socdaan , oo xasillooni darrada iyo khatarta argagixisada waa mid wali dalka ka jirta! Haddii aad is waydiisay muxuusan isbeddel u dhicin? Ma aha dhibaatadu dalalka shisheeye ee dhibku waa; siyaasadda aan degganayn, maqnaashaya qorshahayaal qaran iyo inaysan jirin wax ka go’aanasho isbeddel ee hoggaamiyayaasha iyo bulshada Soomaalida ay soo bandhigeen..! Xaaladan waxay ku khasbaysa dal kasta inuu kula macaamilo Soomaaliya inuu horey ugu socdo danahiisa ka dhex yeel Soomaaliya!
Ku dhex jirka Soomaaliya ee dawlad difaac ah ee waqti dheer ee nus qarniga ah , wuxuu ku filanyahay in la sheego inaysan waxtar lahayn heshiisyada shisheeye , illaa laga helayo qorshayaal qaran oo dhabaha u xaaraya sida looga faa’iideysan karo heshiisyada iyo in la qabto shaqo lagu gaari karo isbeddel ka saara dalka marxaladda uu ku dheeraaday ee dal ka dhigtay ku dhawaad meel eber ah, taa beddelkeeda waxaa wanaagsan inay Dawladda ku dhex wado iyadoo dalalka loo qeybinayo, halkii heshiis difaac lala wada geli lahaa in diiradda la saaro iskaashiga maalgashiga adeegyada bulshada iyo dawladda, gaar ahaan wax-soosaarka, tamarta iyo warshadaha, si looga gudbo xaaladda ku tiirsanaanta kaalmada shisheeye, sarena loo qaado wax soosaarka gudaha..!
IMAN JAMA