Allbanaadir.com
NEWS

Ciro & Madaxa DP World oo ku wadahadlay Dubai (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo maalintii saddexaad  ku guda jira Safarkiisii Shaqo ee uu ku tagay Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa  kulamo la   yeeshay Hay’addo kala duwan oo dhinaca  gargaarka bulshada iyo samafalka ah

Cirro ayaa intii uu socday Shirkii Dawladdaha Adduunka la kulmay Latifa Al-Qemzi oo ah Agaasimaha Guud ee Hay’adda DP World Foundation.

Kulanka uu Madaxweynaha la yeeshay Hay’adda DP World Foundation ayaa diiradda lagu saaray sidii ay DP World Foundation iyo Somaliland isaga kaashan lahaayeen dhinaca gurmadka degdegga ah iyo gargaarka bini’aadantinimo.

Kulankan   Madaxweynaha la yeeshay Hay’adda DP World Foundation waxa isna ku weheliyay mudane Axmed Darwish Al Muhairi oo Agaasimaha Guud ee Waaxda Arrimaha Islaamka iyo Waaxda Hawlaha Samafalka ee Dubai (IACAD) iyo mudane Mohammad Musabeh Dhahi oo ah Madaxa Waaxda Shaqada ee Samafalka, Butti Abdulla Al Jumairi oo ah Agaasimaha Fulinta ee Waaxda Taageerada Bulshada ee Shirkadaha, iyo Mudane Mohammed Suhail Al Muhairi, oo ah xubin ka tirsan Guddiga Arrimaha Samafalka ee Hay’adda Der Al Bir.

Kulanka  waxa la isku af-gartay in la sii sii xoojiyo iskaashiga u dhexeeya Somaliland, Hay’adda DP World Foundation iyo Hay’adda Arrimaha Islaamka iyo Waaxda Hawlaha Samafalka ee Dubai (IACAD) ee la xidhiidha ka wada shaqaynta arrimaha  bini’aadanninimo iyo ballaadhinta dedaallada xagga gargaarka si wadajir ahna wax looga qabto baahiyaha bulshada Somaliland xilliyada ay soo soo wajahaan dhibaatooyinka u baahan gurmadka bini’aadanninimo.

Related posts

Dowlada Somalia oo sheegtay ineysan aqbaleyn dibed-bax khal khal gelinaya amniga

Caydiid Ali

Madaxweyne Trump oo u hanjabay kooxdii ka dambeysay dilka Jamal Khashoggi

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoor Qoor oo shaaciyay in beri aan la barakicineyn dadka degan Dab-damiska

Cabdi Cade
Taboola Ads ---