Allbanaadir.com
NEWS

Dowladaha Somalia & Muritania oo iska kaashanaya arrin culus

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Maxamuud Macallin Cabdulle, oo hoggaaminaya wafdiga Dowladda Soomaaliya ee ka qeyb-galaya Madasha 6-aad ee Dalalka Carabta ee Yaraynta Khataraha Masiibooyinka ee ka socda dalka Kuwait, ayaa kulan wax-ku-ool ah la qaatay wafdiga matalaya dowladda Muritaaniya oo ay hoggaaminayso Wasiirka Deegaanka iyo Horumarka Waara, Mrs. Messouda Mint Baham.

Kulankan labada wafdi ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga labada dal ee la xiriira khibrad-wadaagga iyo horumarinta hababka digniinta ee ka hortagga musiibooyinka, halka Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA uu xusay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato kobcinta awoodaha farsamo ee ku aaddan hirgalinta xarunta digniinta hore ee ay qorshaynayso Wasaaradda Deegaanka ee Muritaaniya.

Wafdiga Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale muujiyay sida ay uga go’an tahay in iskaashi dhow iyo wada-shaqeyn lala yeesho dalalka gobolka si loo xoojiyo dadaallada yareynta khataraha musiibooyinka iyo ka hortagga saameyntooda.

Related posts

Hoggaamiye sare oo katirsanaa kooxda Daacish oo la dilay iyo Mareykanka oo ka hadlay

Cabdi Cade

War Deg Deg Ah: Xildhibaan kamid noqonaya Aqalka Hoose oo Goordhaw lagu doortay Jowhar

Cabdi Cade

RW Rooble: ”Waan sii wadaynaa Wadahadalada si Doorashada loo Hirgeliyo”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---