Allbanaadir.com
NEWS

Trump iyo Putin oo ku balamay iney ku shiraan dal Carbeed

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in isaga iyo hoggaamiyaha Ruushka Vladimir Putin ay ku heshiiyeen in ay si deg deg ah u bilaabaan wada-xaajood ay madaxweynaha Ukraine kala yeelanayaan soo afjarista colaadda u dhexeysa Ruushka iyo Ukraine.

Trump ayaa dhanka kale sheegay in isaga iyo Madaxweyne Putin ay yeelan doonaan kulamo, iyadoo kan ugu horreeyana uu sheegay in uu ka dhici doono dalka Sacuudiga maalmaha soo socda.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in uu si kala gooni-gooni ah khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynayaasha Ruushka iyo Ukraine, Vladimir Putin iyo Volodymyr Zelenskiy, kuwaasoo uu sheegay in ay muujiyeen rabitaankooda ku aaddan xal nabadeed oo laga gaaro colaadda u dhexeysa.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in uu saraakiisha sare ee Mareykanka ku amray bilaabidda wadahadallo ay arrintan kala galaan Ruushka iyo Ukraine, si loo dhammeeyo dagaalka ka socda Ukraine.

Wadahadalladan ayaa yimid saacado kaddib markii uu xoghayaha difaaca Mareykanka dalka Jarmalka ka sheegay in xukuumadda Kyiv ay tahay in ay ka tanaasusho himilooyinkii ay muddada dheer ku taameysay ee ah in ay ku biirto isbahaysiga milateriga ee NATO iyo in ay dib u soo ceshato dhammaan dhulkii uu Ruushka ka qabsaday.Tani ayaa muujisay isbeddel weyn oo ku yimid siyaasadihii Washington ee dagaalka Ukraine.

 

Related posts

Wejigii Saddexaad ee Wada Haddalada Xisbiga Kulmiye iyo Xisbiyada Mucaaradka oo si rasmi ah u bilowday (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamo ka tirsan Jubbaland oo dhoolatus ku maray wadooyinka Kismaayo (Sawirro)

Caydiid Ali

Xildhibaan Habbad Ali Abdulle oo war kasoo saaray dagaalka Guriceel !!

admin
Taboola Ads ---