Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhaawacantay oo qaarkood dhaawacoodu culus yahay, kaddib markii nin gaari xowli ku waday uu jiirsiiyay dad ku sugnaa magaalada Munich ee dalka Jarmalka, sida ay masuuliyiinta warbaahinta u sheegeen.
Maamulka magaalada ayaan faahfaahin ka bixin dhacdada ka dhacday meel u dhow faras-magaalaha Munich oo ka dhacday 10:30am (09:30 GMT) maanta oo Khamiistii, waxaana gaariga la sheegay in si ula kac ah dadka loo jiirsiiyay.
Waaxda dab-damiska ayaa sheegtay in ugu yaraan 20 qof ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo qaarkood dhaawacoodu halis yahay, waxaana dadkan loola cararay xarumo caafimaad oo xaaladooda lagula tacaalayo.
Duqa magaalada Munich Dieter Reiter, ayaa sheegay inuu aad uga naxay dhacdada. Waxa uu sheegay in carruur ay ku jiraan dadka dhaawacmay, isagoona falkaasi ku tilmaamay mid aad looga argagaxo.
Dhacdadan ayaa ku soo beegantay maalin ka hor shirka amniga ee Munich oo socon doona saddex maalmood, shirkan sannadlaha ah ee saraakiisha siyaasadda arrimaha dibadda iyo amniga ee caalamiga ah, ayaa furmaya Jimcaha beri.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com