Fagaare kuyaalla magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa xukun dil ah lagula fuliyay gacankudhiigle Isaaq Aadan Ibraahim oo lagu helay in si bareer ah u dilay marxuum Aadan Maxamed Aadan.
Maxkamadda ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku heshay Isaaq Aadan Ibraahim in uu si bareer ah u dilay marxuum Aadan Maxamed Aadan , waxa uuna ,maxkamadda ninkan ku riday xukunka dilka ah oo maanta lagu fuliyay.
Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed oo warbaahinta kula hadlay fagaaraha dilka lagu fulinayay ayaa sheegay in cid kasta oo dambi gasha caddaalada la horgeyn doono, waxa uuna xusay qofkii dilka geesta isna fagaaraha deg deg loo geyn doono.
Xukunkan dilka ah ee maanta Baydhabo lagula fuliyay Isaaq Aadan , ayaa imaanaya xilli shalay magaalada Baydhabo xukun dil ah lagula fuliyay labo nin oo maalmo kahor magaaladaasi ku dilay gabar umul aheyd oo ay ka qaadanayeen moobeel ay heesatay.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com