Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wasiir oo ansixiyay xeer muhiim ah iyo heshiis dowlad lala galay

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha Xukuumadda, kaas oo hagaya howlaha waaweyn ay xukuumaddu u hayso bulshada Soomaaliyeed.

Kulanka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ka hadlayey xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Sidoo kale, Golaha ayaa meelmariyey heshiis iskaashi amni, kaas oo ay wada gaareen dalalka Soomaaliya iyo Ciraaq.

Golaha Wasiirrada ayaa dul istaaggay dagaallada ka socda dalka ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee Al-shabaab iyo Daacish, kuwaas oo jab-xoog leh ay gaarsiiyeen ciidanka Qaranka, kana saareen degaanno iyo goobo kala duwan oo ay ku dhibaatayn jireen shacabka­­, iyada oo laga dilay horjoogeyaal u badan ajaaniib, qaar kalena gacanta lagu dhigay.

Related posts

Sarkaal la sheegay inuu ka soo goostay Al-Shabaab oo isku soo dhibay Ciidanka Danab

Caydiid Ali

Meydka Jeneraal Farxaan Qaroole oo Muqdisho lagu aasayo iyo Madaxda Qaranka oo …

Cabdi Cade

Gaadiid sahay iyo raashin u waday Al Shabaab oo gacanta lagu dhigay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---