Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka xoogga oo fuliyay howlgal ay ku dileen horjooge Cabdullaahi Bulxiye

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helayay kuwa dadka deegaanka , ayaa howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen baadiyaha deegaanka Jowlo ee gobolka Mudug ku dilay sargaal katirsanaa kooxda Al Shabaab iyo xubno ilaalo u ahaa.

Howlgalka ay sameeyeen ciidanka huwanta ah ayaa la sheegay in lagu beegsaday dagaallamayaal katirsanaa kooxda Al Shabaab oo ku sugnaa baadiyaha deegaanka Jowlo, waxaana howlgalka khasaaro lagu gaarsiiyay kooxda Al Shabaab.

Saraakiisha ciidanka hoggaamineysay ayaa sheegay in ay dileen horjoogihii kooxda Al Shabaab u qaabilsanaa deegaanka Jowlo oo lagu magacaabayay Cabdullaahi Siciid Bulxiye, ciidanka ayaa sidoo kale dilay toban xubnood kale oo la sheegay in ilaalo u ahaayeen horjoogaha.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa howlgalo mararka qaar ka fuliya deegaanno dhaca duleedka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, ciidamada ayaana saacado kaddib kasoo laabta deegaannada ay ka fuliyaan howlgallada qorsheysan.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Senator balan qaaday in Ilhan Cumar u iibinayo tigit si ay Soomaaliya u tagto !!

Cabdi Cade

Wasiirkii Maaliyada dowlada Qatar oo xabsiga la dhigay & eedeymo culus oo loo heysto

Caydiid Ali

Kulan Muqdisho uga socda Ra’isul Wasaare Rooble iyo Gudoomiyaha aqalka sare

Cabdi Cade
Taboola Ads ---