Maxkamadda degmada Waabari ee gobolka Banaadir, ayaa xukun adag oo xabsi ah ku riday nin iyo xaaskiisa oo lagu eedeeyay in ay iska duubeen muuqaalo badan oo anshax-xumo, kuwaa ay ku doonayeen in ay ku helaan lacago baad ah.
Ninkan iyo xaaskiisa ayaa la sheegay in ay iska duubeen 124 muuqaal oo anshax-xumo ah, waxaana muuqaaladan loo diray waalidka gabadha oo la sheegay in dalka dibadiisa ku nool yihiin, si lacago looqa qaato iyada oo loogu hanjabayay in muuqaalladan baraha bulshada lagu baahinayo.
Xeer ilaalinta dacwada kusoo oogay lamaanahan ayaa sheegay in ay isla ogaayeen sheekadan ayna doonayeen in lacag uga helaan waalidka gabadha, si ay uga badbaadaan sumacda dil ku timaada magacooda una arkaan muuqaallada oo baraha bulshada ku baahay.
Guddoomiyaha maxkamadda degmada Hodan Abshir Cumar Cabdullaahi , ayaana sheegay in kiiskan loo keenay uu ahaa mid aad ula yaabeen, waxa uuna min labo sanno oo xabsi ah ku riday lamaanaha ku kacay falkan dhaqan-xumada ah.
Falkan ay ku kaceen lamaanahan is qabay ayaa dad badan aad ula yaabeen, waxa ayna dadka qaar sheegeen in lamaanahan u muuqdaan kuwa aan ashax laheyn oo cabtoy ah, kuwaa oo isku raacay hanjabinta waalidka gabadha dhalay, si ay lacago baad ahna uga qaataan.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com