Allbanaadir.com
NEWS

Booliska Muqdisho oo soo qabtay sadex askari oo ku eedeysan..

Hay’addaha amaanka Caasimadda Somalia ee Muqdisho ayaa sheegay in Howlgalkii  shalay ka dhacay Degmada Cabdicasiis loo soo qabtay 3 eedeysane  oo mid ka mida uu dhaawac yahay

Raggan ayaa ku eedeeysan ineyu weerareen Taliyihii Saldhigga Boliiska Cabdicasiis oo fulinayay amar  Maxkammadda ka soo baxay.

“Waxaana  lagu sooo qabtay 3, sadax  eedeysane  iyo laba Qori oo mid Zaban yahay  oo ay wateen  waxaana socota baaris iyo  ka gungaarista  cidii soo abaabushay fal danbiyeedkaas  waxaana la horgeyn doonaa Maxkamada awooda uleh” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Booliska DF.

Raggan ayaa ku lug lahaa dagaal shalay galab ka dhacay degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir kaasoo la sheegay inuu u dhexeyey ciidamada amaanka ee dowladda iyo rag hubaysan oo uu hoggaaminayey sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska.

Dagaalka ayaa ka bilowday guri ku yaalla Waaxda Neero ee degmada Cabdicasiis dhanka xigta Mirinaayo kaasoo la isku haystay Maxkamadduna amartay inaan la dhisi karin illaa amar dambe balse dhisme lagu bilaabay amarka Maxkamadda kadib.

Ciidamo boolis ah ayaa tagay guriga si ay u joojiyaan dhismaha waxaana sidaas ku bilowday dagaalka markii ay ka hor yimaadeen ciidamo kale oo ku sugnaa dhismaha.

Related posts

Baaritaano dad lagu xirxiray oo laga sameeyey qeybo ka mid ah Muqdisho

Caydiid Ali

Farmaajo oo diiday ka qeyb galka Shirka Muqdisho iyo xogta madaxda kale ee ka qeyb galeysa

Cabdi Cade

Dhaawac lama filaan ah oo gaaray Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---