Wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa ku warrantay inuusan madaxweynaha Masar, Cabdifatax Al-Sisi wax wada-hadal ah la qaadan doonin Trump, illaa inta uu miiska saaran yahay qorshaha barakicinta dadka Qasa, xilli la filayay inuu Al-Sisi booqdo Aqalka cad.
Al-Sisi ayaan u socdaali doonin Washington si uu wadahadal uga furmo Aqalka Cad ilaa iyo inta ajandayaasha uu ku jiro qorshaha Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku doonayo in Falastiiniyiinta laga barakiciyo Gaza, sida ay sheegeen laba ka mid ah laamaha ammaanka Masar.
Dunida Carabta ayaa ka carootay qorshe lagu barakicinayo shacabka in ka badan 2 milyan oo falastiiniyiin ah marinka Qaza, kaasoo uu wato Trump isagoo ku andacoonaya in Maraykanka uu la wareegayo dhulkaas.
Waxa uu ka dalbaday Masar iyo Urdun in ay qaataan Falastiiniyiinta, waxa uuna ku hanjabay hadii ay diidaan in ay kaalmada kala laaban doonaan labada dal ee Carbeed ee xulafada la ah Mareykanka.
Masar ayaa sheegtay in Trump uu casuumaad furan u fidiyay Sisi si uu u booqdo Aqalka Cad horaantii bishan. Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in aan la cayimin taariikhda booqashadan.
Boqorka Jordan Boqor Cabdallah ayaa u muuqday mid aan ku faraxsanayn kulan uu Trump kula yeeshay Aqalka Cad Talaadadii, kulankaas oo Trump uu kaga hadlay qorshihiisa Gaza.
Wasiirka arrimaha dibadda Masar Badar Abdelatty ayaa todobaadkan booqday magaalada Washington. Ilaha Masar ayaa sheegay in hal ujeedo safarkiisu ahaa inuu baajiyo booqashada madaxtinimo ee al sisi
Sida laga soo xigtay ilo-wareedka Masar, waxaa loo muujiyay Abdelatty mar uu la kulmay xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Marco Rubio in qorshaha barakicinta uu miiska saaran yahay haddii Sisi uu booqdo.