Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa xafiiskiisa ku qaabilay dhibane Cabdisalaam Axmed Xasan oo ah wiil yar oo 13-jir ah isla markaana muddo Hal-sano ah la xanuunsanayo dhibaato kasoo gaartay DABĀ uu ku gubtay, kaasoo saameeyay qeyba badan oo kamid ah jirkiisa.
Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Amiir ayaa ugu horeyn warbixin kooban ka dhageystay Aabe Axmed Xasan Cumar oo ah Aabaha dhalay dhibane Cabdisalaam, isaga oo sheegay in xaalada caafimaad ee wiilkiisa aan wadanka gudihiisa waxba looga qaban karin islamarkaana aysan awoodin in ay caafimaad dibada ah la raadiyaan maadaama uu sheegay in ay yihiin qoys danāyar oo nolasha la halgaamaya.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir oo aad uga damqaday xaalada Caafimaad ee Cabdisalaan ayaa balan qaaday in uu ku garab istaagi doono sidii wax looga qaban lahaa xaaladiisa, isaga oo ugu duceeyay in Alla SWT uu siiyo caafimaad soo deg dega.