Dowladda Britain ayaa sheegtay inay adkeynayso sharciyada socdaalka, si ay uga dhigto mid ku dhowaad aan suurtagal ahayn in muhaajiriinta sharci la’aanta ah ee doonyaha yaryar kusoo gala ay mustaqbalka helaan muwaadannimada British-ka.
Sida ku xusan tilmaamaha cusub, muhaajiriinta kusoo gala badda ama kuwa isku qariya dhabarka gaadiidka waxaa inta badan loo diidi doonaa muwaadannimada.
“Tilmaamahan waxa ay sii xoojinayaan tallaabooyinka caddeynaya in qof kasta oo si sharci-darro ah ku soo gala UK — oo ay ku jiraan kuwa doonyaha yaryar — uu la kulmayo in codsiga muwaadannimada Britain laga diido,” ayuu yiri afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Home Office).
Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Keir Starmer ee xisbiga Labour ayaa cadaadis lagu saarayaa inay dhinto soo-galootiga, kaddib markii xisbiga Reform UK ee uu hoggaamiyo Nigel Farage, oo ka soo horjeeda socdaalka, uu doorashadii guud ee u dambeysay ka helay qiyaastii afar milyan oo cod, taasoo ahayd guul aan hore loogu arag xisbi midigta fog.
Hase yeeshee, isbeddelkan sharciyada waxaa dhaleeceeyay qaar ka mid ah xildhibaannada Labour.
“Haddii aan qof siino maqaam qaxooti, sax ma aha inaan ka diidno waddada uu ku noqon lahaa muwaadin British ah,” ayay xildhibaan Stella Creasy ku qortay X, iyadoo intaa ku dartay in siyaasaddan ay “waligood ka dhigeyso kuwa heer labaad ah.”
Free Movement, oo ah bog sharciyada socdaalka ah, ayaa sheegay in isbeddelladan ay leeyihiin awood “lagu xannibi karo tiro badan oo qaxooti ah in ay noqdaan muwaadiniin British ah, taasoo dhaqan-gal ah isla markiiba.”
Waxay tilmaamaha la cusbooneysiiyay ku sifeeyeen “mid aad u naceyb badan oo waxyeello ku ah is-dhexgalka.”
Go’aankan ayaa yimid kaddib markii xildhibaannadu toddobaadkan dood ka yeesheen hindise-sharciyeedka cusub ee Amniga Xuduudaha, Qaxootiga iyo Socdaalka, kaasi oo loogu talagalay in saraakiisha fulinta sharciga la siiyo “awoodo la mid ah kuwa lagula dagaallamo argagixisada” si loo burburiyo kooxaha soo gudbiya muhaajiriinta aan sharciyeysnayn ee ka talaabaya Kanaalka badda.
Socdaalka sharciga ah iyo kan aan sharciga ahayn — oo labaduba haatan maraya heerarkii ugu sarreeyay abid — waxay ahaayeen arrin siyaasadeed oo muhiim ah doorashadii July 2024 oo Starmer uu xilka kula wareegay.
Markii uu xilka la wareegay, wuxuu isla markiiba joojiyay qorshihii ra’iisul wasaarihii isaga ka horreeyay ee Conservative-ka, Rishi Sunak, kaas oo ahaa in laga hortago socdaalka sharcidarrada ah ee UK, iyadoo dadka cusub ee imanaya loogu masaafurinayo Rwanda.
Beddelkeeda, wuxuu ballanqaaday inuu “baabi’in doono burcadda” si loo yareeyo tirada.
Qiyaastii 36,816 qof ayaa laga diiwaangeliyay marinka badda ee England iyo Faransiiska u dhexeeya sanadkii 2024, taasoo ah koror 25 boqolkiiba marka loo eego 29,437-kii yimid 2023, sida ay muujinayaan xogta horudhaca ah ee wasaaradda arrimaha gudaha.