Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Cirro oo la kulmay Ra’isul Wasaaraha Imaaraadka una mahadceliyay

Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo maalintii labaad ku guda jira Safarkiisii Shaqo ee uu ku tagay Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa maanta waxa uu kulan mihiim ah leeshay 𝐒𝐡𝐞𝐢𝐤𝐡 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐦𝐞𝐝 𝐁𝐢𝐧 𝐑𝐚𝐬𝐡𝐢𝐝 𝐀𝐥 𝐌𝐚𝐤𝐭𝐨𝐮𝐦 oo ah Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Raysal Wasaaraha Dalka Imaaraadka Carabta , isla markaana ah Amiirka Mandaqadda Dubai.

Sidoo kale, Madaxweynaha JSL waxa uu la kulmay 𝐒𝐡𝐞𝐢𝐤𝐡 𝐌𝐚𝐧𝐬𝐨𝐮𝐫 𝐁𝐢𝐧 𝐙𝐚𝐲𝐞𝐝 𝐁𝐢𝐧 𝐒𝐮𝐥𝐭𝐚𝐧 𝐀𝐥 𝐍𝐚𝐡𝐲𝐚𝐧 oo ah Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Raysal Wasaare ku xigeenka dalkaasi, isla markaana ah Wasiirka Arimaha Madaxtooyada ee dalka Isku-taga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu Dawladda Imaaraadka Carabta uga mahad naqay Marti-qaadka Rasmiga ah iyo maamuuska sare ee loo fidiyey Madaxweynaha Somaliland si uu uga qeyb galo Shirka Caalamiga ah ee Kulanka Dawladdaha Caalamka.

Madaxweyne Cirro waxa uu madaxda Dawladda Imaaraadka kala hadlay arrimo door ah oo muhimmad iyo mudnaanba u leh labada dhinac iyo labada shacab ee walaalaha ah, arrimahaasina waxa ka mid ahaa:

Iskaashiga Arrimaha Dhaqaalaha, Maalgashiga iyo ka wada shaqaynta Xasiloonida Mandaqadda. Dhanka kale, Madaxweynuhu waxa uu Dawladda Imaaraadka Carabta kala Hadley inay Somaliland ka taageerto xagga kaabayaasha dhaqaalaha iyo in labada dhinac ay iska kaashadaan xagga arrimaha Amniga, gaar ahaan Xasiloonida Marrin Biyoodka Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.

Related posts

Kim Jong Un oo ka hadlay dhibaato adag oo soo wajahday shacabka dalkiisa

Caydiid Ali

Somaliland oo si kulul uga jawaabtay eedeyntii kaga timid dowlada Soomaaliya

Caydiid Ali

Madaxweynihii ugu Da’da weynaa Caalamka oo goordhaw geeriyooday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---