Dowladda Federaalka Soomaaliya Iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan oo maanta oo Arbaco ah kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo warshadaha
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Dhiggiisa Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Azerbaijan Mudane Zakir Hasanov ayaa magaalada Baku ee caasimadda Azerbaijan ku kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo warshadaha ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Mudane Ilham Aliyev ayaa goobjoog ahaa saxiixa heshiiskaan dhexmaray wasaaradaha gaashaandhigga labada dowladood.
Dowladda Soomaaliya ayaa horey dhowr waddan ay ku jiraan Turkiga iyo Masar ula saxiixatay heshiisyo iskaashi oo dhinaca amniga ah, waxa ayna Soomaaliya xoojineysaa xiriirka kala dhaxeeya qaar kamid ah dalalka caalamka.