Allbanaadir.com
NEWS

Bandhigga Suuqweynaha Muqdisho oo furmay iyo Madax ka qeyb gashay

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta ka qayb galay bandhigga Suuq-weynaha Muqdisho, oo ay isugu yimaadeen hormuudka ganacsatada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa ku boorriyay ganacsatada Soomaaliyeed in ay xoojiyaan dadaalkooda ganacsi, horumariyaan hal-abuurka cusub, una istaagaan sidii kor loogu qaaddi lahaa kobaca dhaqaale ee dalka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa sharraxay muhiimadda Qorshaha Isbedelka Qaranka (NTP) iyo doorka uu siinayo qeybaha ganacsiyada gaarka loo leeyahay, si ay hormuud ugu noqdaan horumarka iyo dib-u-dhiska dalka. Waxa uuna xusay in iskaashiga dowladda iyo ganacsatada ay fure u tahay kobcinta dhaqaalaha, abuurista fursado shaqo, iyo dhiirrigelinta maalgashiga gudaha iyo dibadda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an xoojinta xiriirka ay la leedahay ganacsatada, si loo abuuro jawi ganacsi, xasilloon oo dalka u abuuraya fursado dhaqaale.

Related posts

Kaniisad weyn oo loo beddelayo Masaajid si Muslimiintu ugu cibaadeystaan !

Cabdi Cade

Nin Baahiyay Muuqaalada Weerarkii Masaajida New Zealand oo xukun lagu riday (Sawirro)

Cabdi Cade

Xukuumada Somalia oo ka hadashay shacabkii saaka ciidanka AMISOM ku dileen Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---