Allbanaadir.com
NEWS

Markab Dagaal oo saakay qabtay Burcad badeed afdduub geesan rabay

Markab nuuca dagaalka ah oo laga lee yahay dalka Hindiya ayaa saacad ka hor gacanta ku dhigay dabley hubaysan oo dhawaan xeebaha degmada Eyl ee gobolka Nugaal ka af-duubtay doon kalluumeysi Yemen laga lee yahay.

Ilo wareedyo sirdoon ayaa xaqiijinaya in markab dagaal oo laga lee yahay Hindiya uu goor dhaweyd gacanta ku dhigay 8 nin oo hubaysan kuwaasi oo maalmo ka hor doon kalluumeysi ku af-duubtay xeebta degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

Dableyda gacanta lagu dhigay oo dhammaantood ka soo jeeda Puntland ayaa subaxnimadii hore ee saaka goob ka baxsan biyaha Soomaaliya ku weeraray doon kalluumeysi oo Hindiya laga lee yahay taasi oo dalbatay gurmad deg deg ah islamarkaana uu soo gaaray markab dagaal.

Wararka ayaa sheegaya in dableyda gacanta lagu dhigay ay saaka ku weerar tageen doontii maalmo ka hor ay af-duubteen balse iyagii gacanta lagu dhigay islamarkaana laga furtay doontii kalluumeysi oo ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada Hindiya.

 

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Deni oo fashiliyay Qorshe ay maleegtay Villa Somalia oo Noloshiisa halis ku ahaa !

Cabdi Cade

Guddiga diyaarinta xeerarka dhameystiraya sharciga doorashooyinka Qaranka oo la magacaabay

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo booqday Masjidka Nebiga NNKH ee Magaalada barakeysan ee Madiina (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---