Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo huwan ah oo fuliyay howlgal ka dhan ah Al Shabaab

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kumaandooska Gorgor iyo qeybta 21-aad iyo ciidamadda deegaanka, ayaa fuliyay howlgalo qorsheysan oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab, waxaana howlgalkan laga fuliyay  deegaano ay kamid yihiin Tuulo Xaaji iyo Tuulo Cadad ee hoostaga degmada Xarardheere.

Howlgalkan oo ciidamada huwanta ah wadeen saddex maalin oo xariir ah ayaa looga gon lahaa kahortagga weeraro ay soo qaadaan kooxda Al Shabaab, waxa ay sidoo kale ciidamada tagayeen deegaanno lagu sheegay in kooxda Al Shabaab dhuumaaleysi ku yimaadaan.

Saraakiisha ciidanka hoggaamineysay ayaa sheegay in ay heleen xogta dhagaro ay maleegayaan kooxda Al Shabaab, waxa ayna xuseen in ciidamada diyaar u yihiin kahortagga dhagar kasta ay shacabka u maleegayaan kooxaha argagaxisada ah.

Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo dadka deegaanka ee ku sugan degmada Xarardheere, ayaa xilliyada qaar sameeya howlgallo ay uga hortagayaan weeraro ay kooxda Al Shabaab ka fuliyaan deegaanno hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Baaq ka dhan ah Al Shabaab u diray Shacabka Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Waa kuwee Shanta Kursi ee uu Farmaajo doonayo in laga fujiyo Axmed Madoobe?

Caydiid Ali

Al-Mustaqiim Online oo Bushaaro Muhiim ah u haya Soomaalida Qurbaha kunool

Cabdi Cade
Taboola Ads ---