Maamulka Somaliland, ayaa dalka Imaaraadka Carabta uga qeyb galay shir ay dalal kala duwan kasoo qeyb galeen, waxa ayna halkaasi ka heleen fursado ay dalal iyo hay;ado ugu soo bandhigaan aqoonsiga maamulka Somaliland.
Wasiirka madaxtooyada Somailand Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay inĀ Somaliland ay dib ugu soo laabatay masraxa caalamiga ah, iyadoo ku soo bandhigaysa fursado istaraatajiyaddeed oo dhinaca maalgashiga ah.
Wasiir Khadar Xuseen wuxuu xusay in Somaliland ay muhiimad u yeellayso bogcada ay ku taallo ee badda cas, marinka baa’bul Mandab, deganaanshaha siyaasadeed iyo mashaariicda horumarinta ee shirkadda DP WORLD ku samaysay marsadda Berbera.
Waxa kaloo uu tilmaamay Wasiir Khadar Xuseen in ay noqonayso maamulka Somaliland xuddunta ganacsiga bariga Afrika, waxa uuna xusay Somaliland in ay leedahay khayraad dihin sida Beeraha, Kalluumaysiga iyo xoolaha.
Wasiirka madaxtooyada SomalilandĀ wuxuu caddeeyay in la joogo wakhtigii ay maalgashadeyaashu ay ku soo biiri lahaayeen tubta Somaliland ay ku doonayso isbeddelka dhaqaale iyo inay xidhiidh la yeellato caalamka.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com