Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo shaaciyay in Weerarkii Calmiskaad ku dileen Axmed Maeleninine iyo xubno kale

Dowladda Mareykanka ayaa markii u horreysay soo bandhigay khasaaraha ka dhashay weerarkii cirka ee kowdii bishan ay ka fuliyeen saldhigyo kooxda Daacish ku laheyd buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Duqeynta ayey sheegtay Mareykanka inay ku dileen 14 xubnood oo ka tirsan kooxda Daacish, oo qofka ugu muhiimsan ee weerarka lagu dilay lagu sheegay , Axmed Maeleninine , kaasoo lagu sheegay inuu ahaa hoggaamiyihii howlgallada dibadda, maalgelinta iyo ninka dagaallamayaasha ajanabiga ah kooxdan uga soo qori jiray dibadda, sida laga soo xigtay howlgalka ciidanka Mareykanka ee Afrika (AFRICOM).

Shaacinta xubnaha Daacish ee lagu dilay weerarka ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka ayaa qaaday muddo 12 maalin ah , tan oo sare u qaadaysa inay Mareykanka haraadigs jirka qaateen xubnaha weerarka lagu dilay oo baaritaan dib loogu sameeyay.

Soo bandhigista khasaaraha weerarka ka dhashay, ku soo aaday xilli shalay ciidanka Puntland ay guushii ugu sarreysay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Daacish oo lagu dilay ku dhawaad boqol dagaallame, inta uu socday dagaalka saacadaha badan qaatay , waxay Daacish soo bandhigtay markii u horreysay awoodoodii u sarreysay ee dagaal, kaddib markii ay adeegsadeen gaari qarax laga soo buuxiyay, mootooyin iyo dagaallamayaal qaraxyo isku soo xiray, balse weerarka wuxuu ku soo dhammaaday in la wada dilay dhammaan dagaallamayaasha Daacish.

Related posts

Nin Asal ahaan kasoo jeeda Falastiin oo Madaxweyne ka noqday dal Kuyaala Qaarada ….

Cabdi Cade

Mareykanka oo beeniyey eedeynta Al-Shabaab ee dilkii dhaqaatiirta Cuba

Caydiid Ali

Degmo Al Shabaab laga saaray oo laga mamnuucay in aroosyada baabuur lagu galbiyo iyo in…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---