Allbanaadir.com
NEWS

RW Ku-xigeenka oo furay Mashruuc lagu dhisayo Shan Laami

Ra’isul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa daahfuray munaasabad lagu soo bandhigayey saxiixa heshiiska shirkadaha loo qaatay tartanka dhismaha qaar ka mid ah dayactirka iyo dib u dhiska waddooyinka Magaalada Muqdisho, kaasoo si rasmi ah u saxiixay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir.

Dhawaan ayaa tartan la xariira qandaraasyada dhismaha qaar ka mid waddooyinka Caasimadda loo qabtay  28-shirkadood, waxaana tartankaasi ku soo baxay afar shirkadood oo kala ah 1-Kulmiye, 2-Docol, 3-Dhis, 4- Buruuj, waxaana goobta ay munasaabadan ka dhaceysay goob joog ka ahaa Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan DFS, Ganacsato iyo qeybaha Bulshada.

Wadooyinka la dhiso doono ayaa ah kuwa muhiim u ah isku socodka Magaalada iyo bilicda Caasimadda kuwaas oo kala ah, 1- Keydsaneey, 2- Dhameystirka Waddada  Dayniile, 3-Waddada weyn ee Dagmada Kaxda, 4-Wadada Isbitaal Madiino, 5-wadada Nasiib-Buundo ilaa madaxtooyada, 6-Waddooyinka xiriiriya Shangani iyo via Rooma ee Degmada Xamar Weyne, dhismaha waddooyinkaasi ayaa la rajeynayaa in dhawaan shaqaadooda bilaabato.

Wasiirka Howlaha Guud ee XFS Mudane Cilmi Maxamud Nur ayaa bogaadiyay mashruuca Nagaad iyo fulintiisa oo wax weyn ka badali doono bilicda Magaalada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa bogaadiyay mashruuca Nagaad  ee gobalka Banaadir kaas oo ah mashruuc qeyb weyn ka qaatay horumarinta bilicda Caasimadda, gaar ahaan dib udhiska Waddooyinka iyo kaabashayaasha dhaqaalaha, iyada oo ugu dambeyn Gudoomiye Amiir kula dardaarmay shirkadaha qansaraaska helay in si tayo leh udhisaan waddooyinka.

Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa ku amaanay Maamulka Gobolka Banaadir sida ay oga go’an tahay in Caasimadda ay la jaan qaado Magaalooyinka dhigeeda ee horumaray.

Waxaa uu sheegay in Xukuumadda Danqaran ay ka go’an tahay  hirgalinta iyo dhismaha waddooyinka isku xira caasimadda, si kor loogu qaado nabadda iyo is-dhexgalka bulshada ku nool gobolka Benaadir.

Ra’isul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa ku amaanay Maamulka Gobolka Banaadir sida ay uga go’an tahay in Caasimadda Muqdisho ay la jaan qaado caasimaddaha dhigeeda ee caalamka.

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Xasuuqii Israel xalay ka geesatay magaalada Gaza

Cabdi Cade

Diyaaradii ay la socotay ku-simaha Madaxweynaha oo ka degtay Boosaaso

Cabdi Cade

Wasiir Dhambaal u sida Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---