Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh oo booqasho rasmi ah ku tagay dalka Azerbaijan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ku yimid magaalada Baku ee caasimadda Azerbaijan, taasoo la xiriirta hirgelinta heshiiska iskaashiga dibulamaasiyadeed ee Labada dal ay dhawaan wada gaareen.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa dalkan Ilham Aliyev iyo Xukuumaddiisa soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen wafdigiisa iyo muhiimadda sare ee ay siinayaan kobcinta xiriirka Labada dal, iyadoo ay tahay booqashadii ugu horreysay ee Madaxweyne Soomaaliyeed uu ku yimaado Azerbaijan.

Inta lagu guda jiro booqashada Madaxweynaha, Soomaaliya iyo Azerbaijan waxay kala saxiixi doonaan heshiisyo muhiim ah oo lagu guntayo xiriirka Labada dal, waxayna wafdiga Madaxweynuhu ay kulammo la qaadan doonaan dhiggooda dalkan.

Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh waxay muujinaysaa ahmiyadda ay dowadda Soomaaliya siinayso ballaarinta iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta dhaqaalaha iyo amniga, si ay uga faa’iidaystaan labada dal iyo shacab ee Soomaaliya iyo Azerbaijani.

Related posts

Masuuliyiinta Gobolka Banaadir oo la ciiday shacabka degmo ka tirsan Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxay weli u qabsoomi la’dahay Xaflada caleemo saarka Axmed Madoobe?

Caydiid Ali

Madaxda Soomaaliya iyo Kenya oo la isku keenay iyo Kulan hada uga socda Jabuuti

Cabdi Cade
Taboola Ads ---