Allbanaadir.com
NEWS

Somalia & UAE oo ka heshiiyey deyn ku dhow $260 Milyan

Wada xaajood muddo dheer socday ayaa maanta oo taariikhdu tahay 11-ka Bisha February 2025, waxaa si rasmi ah heshiis uga gaaray Dowladda Soomaliya iyo Sanduuqa Horumarinta Abu Dhabi, heshiiskan ayaa xal looga gaaray dayn dhan $257 milyan oo doolar , dayntaas oo ay Dowladii Dhexe ee Soomaaliya qaadatay kuna maalgalisay Mashruucii  Warshadii Sokorta Jubba.

Heshiiskaan oo ay si wadajir ah u saxiixeen Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige iyo Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Abdu Dubai Mr. Mohamed Saif Al-Suwaidi ayaa albaabada u furaya in Sanduuqu uu dib ula falgalo ka qeyb qaadashada Mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya ka jira iyo helidda maalgalin cusub oo dib loogu maalgelin karo kaabayasha dhaqaalaha ee dalka kuwaas oo baahi wayn loo qabo.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii la soo dhaafay waxa ay dadaal xoogan ugu jirtay sidii Soomaaliya ay u heli laheyd Maalgalin iyo horumarin ilaha dhaqaalaha dalka kadib markii laga cafiyay deymhii Adduunku kulahaa.

Related posts

(Akhriso) Dowlada Somalia oo shaacisay Jadwalka imtixaanka dugsiyada Sare

Caydiid Ali

Deni oo kormeeray dhismaha Mashruuc weyn oo ka socda Puntland (Sawirro)

Caydiid Ali

Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan DF oo lagu laayey weerar ka dhacay Galgaduud

Caydiid Ali
Taboola Ads ---