Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay guddi ka socday ganacsatada Soomaaliyeed
Waxaa ganacsatada Guddoomiyaha la wadaageen cabasho ay qabeen maadaamaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ay xirnaayeen suuqyada ganacsi ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa u sheegay ganacsatada in Dowladda aysan marnaba raali ka ahayn in ganacsatada culeys la saaro ayna diyaar u tahay xalinta tabashooyinka ay ganacsatada qabaan, waxaana ugu dambeyn lagu balamay in la furo suuqyada ganacsiga ee xiran.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha, Ganacsiga, Warshadaha, iyo Maalgashiga ee Golaha Shacabka Xildhibaan Garaad Maxamed Sheekh iyo Guddoomiyaha Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas.