Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska Puntland oo war kasoo saaray howlgalkii saakay lagu jabiyay Daacish

War-Saxaafadeed

Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland

Ciidamada Puntland ayaa si guul leh u jebiyay kooxaha argagixisada Daacish, iyagoo gaadhay rugo cusub oo ay horey ugu dhuumaaleysanayeen argagixisadu. Khasaaraha maanta ka gaaray argagixisada ayaa ka weyn kii horey uga dhacay, waxaana muuqata in difaacyada adag ee ay Togga Jeceel ka sameysteen si xooggan looga saaray. Isku-dayadii argagixisada ee aroornimadii hore ayaa gebi ahaanba fashilmay, waxaana lagu guuleystay in laga hortago dhammaan weerarradii ay qorsheeyeen.

Xaaladda argagixisada ayaa sii xumaaday, iyadoo xalay ay isku dayeen inay adeegsadaan diyaarado, baabuur miineysan iyo dad is qarxinaya si ay uga hor istaagaan howlgalka ciidamada Puntland. Si kastaba ha ahaatee, isku-dayooyinkaas ayaa noqday kuwo aan wax faa’iido ah u lahayn, waxaana burburiyey goobihii ay argagixisadu kasoo qaadeen weerarada.

Xogaha la helay ayaa xaqiijiyay in argagixisada muddooyinkii u dambeeyay ay soo qaadeen maleeshiyaadkii ilaalinayay horjoogayaashooda, kuwaas oo laga keenay deegaanada Dhaadaar iyo Dhasaan. Dagaalkii maanta ayaa xaqiijiyay in meydkooda laga helay, iyadoo ku daadsan yihiin geedaha, buuraha iyo dhulalka howdka ah.

Howlgalka Ciribtirka ee ay ciidamadu wadaan ayaa muujiyay guulo waaweyn, waxaana muuqata in argagixisada lagu suuliyay deegaanno badan. Ciidamada Puntland ayaa sii wadi doona hawlgalladooda si ay uga saaraan kooxaha argagixisada ee ku dhuumaaleysanaya deegaanka, iyadoo la xaqiijinayo in aysan jirin meel ay ka dhuumaaleysan karaan.

Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland wuxuu ku adkeysanayaa in dagaalka ka dhanka ah argagixisada uu sii socon doono, iyadoo la xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka, islamarkaana aan la oggolaan doonin wax carqalad ah oo ku yimaada horumarka Puntland.

– DHAMMAAD –

Related posts

Warqado lagu raadinayo Jehad Serwan oo katiran Al Shabaab oo la daadiyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Puntland oo go’aan adag kasoo saartay salaadaha Jamaacada ee Masaajida lagu dukado

Cabdi Cade

Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada dil Muqdisho loogu geestay Xildhibaan hore

Cabdi Cade
Taboola Ads ---