Allbanaadir.com
NEWS

Ganacsade u dacwooday Maxkamad Al Shabaab leedahay oo xukun lagu riday

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya , ayaa maanta xukun ku riday ganacsade Cabdifitaax Yuusuf Xersi Cagaweyne, kaa oo lagu eedeeyey in maxkamad kooxda Al Shabaab ku leedahay deegaanka Gendershe eeĀ  Shabeellaha hoose uu ka dacweeyey Afar qof, kuwaasi oo uu ku lahaa lacago deyn ah.

Eedeysanaha oo ah Ganacsade leh dukaan lagu iibiyo raashinka, ayaa ka hor inta uusan u tagin Al Shabaab, waxa uu afarta qof ka dacweeyey Maxkamadda degmadda Kaxda, taasi oo u xukuntay in lacagaha uu ku lahaa raggaasi ay siiyaan, balse mid kamid ah afartii uu dacweeyey ayaa qaatay racfaan, waxaana kiiskooda loo wareejiyey Maxkamadda gobolka Banaadir.

GanacsadahaĀ  ayaan tagin Maxkamadda gobolka Banaadir, taas beddelkeedana waxa uu u dhaqaaqay in Al Shabaab uu u dacwoodo, waxaana markii uu soo laabtay ay Hay’addaha ammaanka ka qabteen degmadda Kaxda lix iyo tobanka bishii kow iyo tobnaad ee sannadkii hore 2024.

Baaris dheer kadib xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya , ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday lixdii Bbishaan February.

Garsoorka maxkamadda ciidamada qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta oo Talaado ah ku xukuntay Cabdifitaax Yuusuf Xersi Cagaweyne lix bilood oo xabsi argagixiso ah.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shaafi Raabi oo muddo kooban lagu xiray garoonka dayuuradaha Aadan Cadde

Caydiid Ali

Jadwalka doorashada shan kursi oo lagu dooranayo Kismaayo oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo shaaciyay caqabad weyn oo dalka soo wajahday (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---