Maamulka Israaíil ayaa diiday qorshe ay wadeen dalal badan, kuwaa oo ay hormuud u yihiin dowladda Qatar iyo Qaramada Midoobay, qorshahan ayaana ahaa mid si weyn u caawin lahaa shacabka magaalada Gasa ee guryahooda la bur buriyay.
Qadar iyo Qaramada Midoobay oo gacan ka helayay dalal kale ayaa qorsheenayay in magaalada Gasa laga hirgeliyo guryo kumeel-gaar ah oo ah nooca gurguura , guryahan ayaana loogu tala galay in ay deegaameestaan dadka shacabka ah ee guryahooda la burburiyay.
Israaíil ayaana sheegtay in aysan ogolaan doonin in magaalada Gasa laga hirgaliyo guryahan nuuca gurguura ee shacabka loogu tala galay in loo dhiso, lamana caddeyn sababta ay Israaíil u diidan tahay in guryo helaan shacabka ay guryahooda burburiyeen.
Shacabka magaalada Gasa ee la burburiyay guryahooda ayaa hadda degan teendhooyin aan adkeysi badan u laheyn qoraxda iyo qabowga, waxa ayna shacabka dhibaato badan kala kulmayaan hoy laáan iyo xaalado kale oo dhinaca nolosha.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com