Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyada Baydhabo ku qaabilay wafdi uu hogaaminayey kaaliyaha Agaasimaha Guud Hay’adda FAO ee Afrika Dr. Abebe Haile-Gabriel, oo uu wehliyo Wakiilka FAO Soomaaliya, Etienne Peterschmitt.
Kulanka dhax maray Laftagareen iyo xubnaha Hayádda FOA ayaa looga hadlay mashaariicda Hay’adda FAO ka wado guud ahaan Koonfur Galbeed iyo sidii loo hirgelin lahaa Mashaariic hore leh oo loogu adeegayo bulshada ku nool guud ahaan Koonfur Galbeed.
Agaasimaha Guud Hay’adda FAO ee Afrika Dr. Abebe Haile-Gabriel, ayaa ballanqaaday in mashaariic dhowr ah ka fulin doonaan deegaannada maamulka Koonfur Galbeed, waxa uuna xusay agaasimaha in ay diyaar u yihiin in maamulka Koonfur Galbeed garab siiyaan.
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen , ayaa u mahadceliyay madaxda hayádda FOA. waxa uuna sheegay in maamulkiisa diyaar u yihiin in ay soo dhaweeyaan hayádaha kala duwan ee caawinaya dadka reer Koonfur Galbeed.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com