Madaxda gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa ka falceliyay cambaareyn ku aaddan tallaabo uu dhowaan madaxweynaha Kenya meesha uga saaray hannaan muddo dheer ka jiray gobolka oo lagu xaqiijinayay dadka qaadanaya kaarka aqoonsiga Kenya.
Madaxweyne William Ruto ayaa toddobaadkii hore booqasho ku tegay qeybo ka mid ah gobolka, tan oo qeyb ka ahayd dadaallo uu ku doonay inuu ku mideeyo gobollada iyo fulinta ballanqaadyadiisii xilligii doorashada ee dhanka horumarinta.
Madaxweynaha oo booqday magaalooyinka Garissa, Mandera, Wajir iyo Isiolo ayaa furay xafiiska laanta socdaalka Garissa oo muddo xirnaa, isagoo sidoo kalena meesha ka saaray hannaanka xaqiijinta dadka qaadanaya kaarka aqoonsiga Kenya oo muddo 60 sano ah ka jiray gobolka.
Hannaankan oo ah mid xaqiijin ah oo dadka lagu weydiin jiray su’aalo dheeraad ah loogana baahnaa turxaan-bixin dheeraad ah ayaa keliya ka jiray deegaannada xudduudaha iyo gobolka Waqooyi Bari Kenya, in muddo ah ayaana waxaa ka cabanayay dadka gobolka oo sheegay inay ku adkeyd inay qaataan kaarka si ka duwan muwaadiniinta kale ee Kenya.
Hase yeshee, tallaabadan ayaa waxaa laga keenay walaac dhanka amniga ah, iyadoo qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka ay su’aal gelinayaan qaabka kale ee lagu xaqiijinayo dadka qaadanaya kaarka aqoonsiga.
Barasaabka gobolka Trans Nzoia George Natembeya oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta Kenya ayaa ka digay “in hannaankan oo meesha laga saaro ay saameyn amni oo ba’an ku yeelan karo dalka.”
Ninkan oo hore guddoomiye uga ahaa gobolka Rift Valley ayaa ku dooday in madaxweyneyaashii hore ay sababo sax ah u heysteen inuu sii jiro hannaankan.
“Haddii aad dadka u oggolaato inay iska soo galaan oo ay qaataan kaararka aqoonsiga iyadoo aan xaqiijin la marin, sidee ku kala saareysaa Soomaaliga ka yimid Soomaaliya iyo kan ku dhashay kuna barbaaray Wajeer, Garissa, Mandera, ama Trans Nzoia? Wax farqi ah ma jiro—qabaa’illadu waa isku mid, luqaddu waa isku mid, diintu waa isku mid, dhaqankuna waa isku mid,” ayuu yiri mar uu la hadlayay warbaahinta Kenya.
Guddoomiye ku xigeenka is-maamulka Wajeer, Axmed Maxamed Cabdi (Caato)Â ayaa sheegay inay aad usoo dhoweynayaan tallaabada uu madaxweynaha meesha uga saaray hannaanka xaqiijinta qaadashada kaarka aqoonsiga Kenya, wuxuuna beeniyay in taasi ay yeelaneyso cawaaqib-xumo dhanka amniga ah.
“Soomaalidu waa dad reer-guuraa ah oo socodkooda iska badan yahay, mar walbana caqabad dheeraad ah ayay nagu ahayd helitaanka kaararka aqoonsiga ah, waana soo dhoweyneynaa in meesha laga saaro,” ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in bulshada Soomaalida ee gobolka la weydiin jiray su’aalo dheeraad ah oo aan la weydiin jiray bulshooyinka kale, haatanna ay ku faraxsan yihiin inay la sinnaanayaan dadka.
“Hannaankan waxba masoo siyaasineyn, waxaana loo isticmaalayay yareynta bulshada Soomaalida ee dalka,” ayuu intaa raaciyay.
Wuxuu xusay in muddo dheer ah ay madaxda gobolka codsanayeen in meesha laga saaro hannaankan, haatanna ay suurto-gashay in codsigooda la fuliyo.
Guddoomiye ku xigeenka ayaa meesha ka saaray in arrintan ay saameyn amni yeelan karto. “Amniga iyo aqoonsiga isma laha. Qofka Soomaaliga ah wuxuu marayaa inta uu mari lahaa qof walboo Kenyaan ah.” Ayuu intaa raaciyay.
Dhanka kale, hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wiper, Kalonzo Musyoka, ayaa isna sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay “qorshaha uu Madaxweyne Ruto ku doonayo inuu gobolka ku yeesho awood kahor doorashada madaxtinnimo ee 2027”.
Si kastaba, hoggaamiyeyaasha kale ee taabacsan Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in dadka kasoo horjeeda tallaabadan ay doonayaan inay dadka kala qeybiyaan.
“Kuwa walaaca ka muujinaya hannaanka kaarka aqoonsiga waxay isku dayayaan inay kala qeybiyaan dalka una adeegsadaan qaab qabiil.” Waxaa sidaa yiri gacan-yaraha Madaxweyne Ruto, Faruk Kibet.
Arrimaha kale ee muhiimka ah ee madaxweynuhu soo jeediyay in wax laga qabanayo waxaa ka mid ah ilaalinta xudduudaha, baasaboorka, amni-darrada, waddooyinka, biyo la’aanta, kaabayaasha dhaqaalaha, macallimiin la’aanta iyo dawo la’aanta ka jirta isbitaallada deegaannada gobolka Waqooyi Bari.
Source BBC
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com