Allbanaadir.com
NEWS

Meydadka ajaaniib iyo Soomaali Daacish katirsan oo lasoo bandhigay

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo saakay deegaannada Haraaryo iyo Qurac oo hoostaga togga Jaceel ee buuraha Calmiskaad ku dhax maray ciidamada Difaaca Puntland iyo dagaalyahannada Daacish.

Dagaalka ayaa qarxay kaddib markii saakay aroortii hore dagaallamayaal katirsan Daacish weerar qaraxyo ku bilowday kusoo qaadeen difaacyadii ay joogeen ciidamada Puntland, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal dhiig badan ku daatay.

Saraakiisha ciidamada Puntland ayaa sheegay in dagaalka saakay ku dileen in ka badan 40 xubnood oo katirsanaa kooxda Daacish, kuwaa oo isugu jiray ajaaniib iyo Soomaali qaarkood is qarxiyeen.

Ciidamada difaaca Puntland oo sii hayay xogta weerarka ayaa ku guulaystay in ay si buuxda u fashiliyaan isku daygaasi Argagixisada waxaana ay dileen dhammaan dagaallamayaashii weerarka soo qaaday oo isugu jiray ismiidaamiyaal iyo dagaallamayaal hubaysan oo dagaal toosa soo qaaday sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada Puntland.

Ciidamada Puntland ayaana  ilaa hadda howlgal culus ka wada aagii ay kasoo duullaan tageen ragii katirsanaa Daacish ee saakay weerarka soo qaaday, waxa ayna saraakiisha ciidamada sheegeen in ay soo afjarayaan maleeshiyaadka katirsan Daacish ee buuraha ku dhuumanaya.

Meydadka xubno badan oo katirsan raggii saakay dileen ciidamada Puntland ayaana lagu baahiyay barta Telgramka, waxaana ragga la laayay ku jira ajaaniib dalal kala duwan kasoo jeeda.

Related posts

Aadan Madoobe oo Magacaabay Guddi qaban qaabiya Shirka Dib u heshiisiinta K/Galbeed (Akhriso)

Caydiid Ali

Beesha Murusade  oo Shirweyne aan Caadi aheyn ku yeelatay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Digniin Adag oo loo diray Xildhibaan Cabdirashiid Xidig iyo Cabdinaasir Seeraar

Cabdi Cade
Taboola Ads ---