Allbanaadir.com
NEWS

Howlgal lagu laayay xubno badan oo katirsan Daacish oo saakay socda

Hawlgal xooggan oo ay aroornimadii hore ee saaka qaadeen ciidamada difaaca dowladda Puntland ayay ku dileen in ka badan 40 dagaallame oo ka tirsan Argagixisada Daacish.

Ilo wareedyo amni oo ku sugan jiidda hore ee dagaalka ayaa xaqiijinaya in ilaa iyo hadda la dilay in ka badan 40 dagaallame oo ka tirsan mileeshiyaadka Daacish islamarkaana uu weli socda hawlgalka ciidamadu ku sifaynayaan kooxdaasi.

Hawlgalka oo ka socda degaanka Haraaryo ee togga Jeceel ayaa durba ciidamada difaaca Puntland ku soo bandhigeen qeybta kowaad meydadka Argagixisadii saaka lagu dilay dagaalka waxaana saraakiishu sheegayaan in ay gacanta ku dhigeen hub iyo saanad ciidan oo kooxda laga furtay.

Ciidamada Puntland howlgalka ay saakay wadaan ayaa kusoo aadaya xilli xalay duqeymo culus lagu garaacay fariisimo dhowr ah oo ay buuraha Calmiskaad kaga sugnaayeen kooxda Daacish.

Related posts

Ciidamo gadoodsan oo maanta xiray saldhig booliis oo kuyaalla magaalada Garawe

Cabdi Cade

Maxkamada ciidamada oo Xukun adag ku riday Cali Maxamed Cabdullaahi (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Shiinaha oo ilaalo ka haya Qalab aan la aqoon oo dul heehaabaya hawada dalkiisa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---